Muxuu ka yiri Klopp heshiis kordhinta Mohamed Salah ee kooxda

(Liverpool) 02 Luulyo 2022. Mohamed Salah ayaa soo afjaray wax walba oo la isla dhex marayay isaga oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Liverpool, kaasoo soconaya illaa 2025.

Salah, oo u dhaliyay 156 , 254 kulan oo uu u saftay Liverpool, ayaa galay sannadkiisii ​​ugu dambeeyay ee qandaraaskiisii ​​hore, iyadoo ay joogsadeen wadahadaladii ku saabsanaa mushaharka uu dalbanayo 30 jirka.

Haddaba tababaraha reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa muujiyay darreenkiisa kaddib heshiis kordhinta Mohamed Salah, wuxuuna yiri:

“Tani waa waqti gaar ah taageerayaasheena si ay u kordhiyaan raaxaysigooda dhammaad isbuucaan, waxaana hubaa in ay jiri doonaan dabaal dagyo la xiriira warkaan.”

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay, waa go’aankeena ugu fiican iyo sidoo kale go’aanka ugu fiican isaga, waxaan filayaa in aan Salah anaga leenahay, tani waa kooxdiisa hadda.”

“Wax shaki ahna igagama jiro in sannadihii ugu fiicnaa ee Mohamed Salah ay wali iman doonaan.”

Kaddib markii ay Liverpool ku guuleysatay inay sii heysato Mohamed Salah, Reds ayaa wali heysata fursad ay ku sii wadan karto guulaheeda, xitaa ka dib markii ay lumisay Sadio Mane, kaasoo u dhaqaaqay Bayern Munich kaddib 6 sano oo uu ku sugnaa Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, imaatinka Darwin Nunez oo kaga yimid Benfica lacag ku dhow 100 million euros ayaa hoos u dhigtay saameynta bixitaankii xiddiga reer Senegal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More