Muxuu ka yiri Klopp guuldarradii kooxdiisa Liverpool ka soo

(Bangkok) 13 Luulyo 2022. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sharaxay in kulanka saaxiibtinimo ee Manchester United laga yaabo inuu xilli hore ugu soo aaday kooxdiisa.

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa shalay kulan saaxiibtinmo ku wada ciyaaray garoonka Rajamangala National ee dhaca caasimadda Thailand ee Bangkok, iyada oo kulankan ay Red Davis 4-0 kaga adkaatay Reds.

Wiilasha Klopp waxa ay tababarka sameynayeen in ka badan hal usbuuc, dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah ayaana ku biiray xilli dambe, taasoo sababtay in Reds ay guuldarro ka soo gaarto kulankii ka dhacay garoonka Rajamangala National.

Kaddib ciyaarta macalinka reer Jarmal iyo kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Sida iska cad ciyaarta ayaa timid xilli hore, waad arki kartaa taas, qaladaadka shaqsiga ah ayaa ka dhaca kubadda cagta laakiin waxaan sameynay waqtiyo gaar ah sababtoo ah waxaan ahayn kuwo furan.”

“Waxaan abuurnay xoogaa fursado ah, laakiin kuma aanan guuleysan inaan ka faa’ideysano, tanina waa qaladkayaga.”

“Jawiga kooxda waa mid wanaagsan oo cajiib ah, waxa jira qaab abaabul iyo qorshayaal aanu dejinay, laakiin maanta natiijadu may ahayn mid wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More