Muxuu Ahaa Rikoodhka Xun Ee Benzema Looga Diiwaangeliyey Kulankii

Karim Benzema ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay xulka qaranka France muddo lix sannadood ku dhow, waxaanu kusoo bilowday ciyaartii saaxiibtinimo ee Arbacadii ay 3-0 ku karbaasheen Wales, taas oo u ahayd mid farxad badan.

- Advertisement -

Weeraryahankan ayaa lagu daray xulka qaranka France ee tartanka Euro 2020 ka qayb-gelaya, waxaanay taasi soo afjartay caydhintii lagaga sameeyey xulka qaranka markii ay soo baxday fadeexaddii cajaladda galmo ee laga duubay Valbuena sannadkii 2015.

Benzema ayaa kusoo garab bilowday Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann oo goolal dhaliyey, laakiin Benzema ayaa khasaariyey rikoodhe loogu diiwaangeliyey rikoodh xun.

33 jirkan ayaa bandhig wanaagsan sameeyey ciyaarta oo dhan, waxaana qaybtii hore kubbad uu ku toogtay goolka gacan ku qabsaday Neco Williams oo kaadh cas oo toos ah ciyaarta lagaga saaray, waxaana rikoodhihii la qabtay loo daayey Benzema oo lagu soo dhoweynayay, hase yeeshee goolhaye Danny Ward ayaa badbaado cajiib ah sameeyey, isagoo kubaddaas ka diiday in Benzema uu dhaliyo.

Rikoodhahan laga qabtay ayaa taariikh xun ku noqday Benzema, waxaana diiwaanka loo geliyey in dhamaan saddexdii rikoodhe ee u dambeeyey ee uu u laaday xulka France uu khasaariyey.

Labada rikoodhe ee hore ee uu lumiyey ayaa waxay ahaayeen sannadkii 2014, waxaanay kala ahaayeen Koobkii Adduunka 2014 oo kulan ay la ciyaareen Switzerland uu dhalin waayey gool ku laadkii loo dhigay, halka rikoodhaha kalena uu ahaa kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Sweden isla sannadkaas.

3 – Karim Benzema has now missed each of his last three penalties for France, with the other two before tonight coming in 2014 against Switzerland at the World Cup, and Sweden in a friendly. Vindication? #FRAWAL

— OptaJoe (@OptaJoe) June 2, 2021

Ka sokow rikoodhaha uu khasaariyey, Benzema ayaa qaybtii dambe kubbad qurux badan waxa uu ku maamushay xerada ganaaxa Wales, waxaanu ku toogtay goolka isagoo dhaafiyey Ward, hase yeeshee birta ayay kusoo dhacday, waxaanay u tagtay Ousmane Dembele oo goolka oo madhan ku hubsaday.

Benzema ayaa 81 kulan u saftay xulka France waxaanu u dhaliyey 27 gool, waxaase ugu dambaysay in uu u safto October 2015 kulan uu laba gool ka dhaliyey Armenia.

Muxuu Benzema ka yidhi in uu saftay kulankiisii ugu horreeyey muddo lix sannadood ku dhow?

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Wales ee xalay, Benzema ayaa bartiisa bulshada kaga  fal-celiyey, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu kusoo laabtay waddankiisa oo uu u ciyaaray.

Karim ayaa u mahad-celiyey Allah, isagoo yidhi: “Alxamdulillah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More