Muxuu Ahaa Ciyaartoygan Abaal-marinta Ku Guuleystay Ee Hadal-haynta Ka

Markii ay arkeen isaga oo fagaaraha taagan oo kor u haya biladda uu kaga guuleystay tartanka Olombikada ee ka socda magaalada Tokyo ee waddanka Japan, waxa dadka niyaddooda kusoo dhacay xiddiga Manchester United iyo Portugal ee Bruno Fernandes.

Khalid Jendoubi oo u dhashay waddanka Tunisia ayaa  ku guuleystay billadda maarta ah ee ciyaaraha laadka ah ee olombikada ee miisaankoodu yahay 58kg.

19 jirkan ayaa lagaga guuleystay biladda dahabka ah oo uu qaatay Vito Dell’Aquila oo Talyaani ah, isaguna wuxuu qaatay maar, laakiin haddana isaga ayaa  noqday qofka ugu hadal haynta badan.

Ciyaaryahankan ayaa muuqaalkiisu u egyahay Bruno Fernandes, waxaana uu mar kaliya qabsaday baraha bulshada iyadoo ay dadku isbarbar-dhigayeen labadooda sawir.

Hadal-hayn kaliya kuma ekaanin arrintu, balse Jendoubi ayaa la weydiiyey isagoo madasha taagan, in ay isku eg yihiin Fernandes iyo waxa uu kala socdo isbarbar-dhigga lagu samaynayo, laakiin layaabka ayaa ahayd jawaabtii uu bixiyey.

Wariyaha ayaa ku yidhi: “Miyaad ogtahay in aad isku egtihiin Bruno Fernandes?”

Khalid Jendoubi ayaa ku jawaabay: “Waxaan u malaynayaa in aan aad ugu ekahay Ozil.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More