Miyuu Zinedine Zidane Is Casilayaa? Tababaraha Real Madrid

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu isku casili karo ka dib guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay Shakhtar Donetsk caawa.

Goolal ay qeybtii labaad ee ciyaarta kala dhaliyeen Denyinho iyo Mano Solomon ayaa u xaqiijiyay kooxda reer Ukraine guusha kuwaasoo soo bandhigay qaab ciyaareed difaacasho adag ah islamarkaana kubadaha rogaal celiska ku dilay Los Blancos.

Natiijadaan ayaa qeyb ka ah natiijooyin xun xun oo soo wajahay Real Madrid xilli ciyaareedkan iyadoo laga badiyay shan ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Waa guuldaradii labaad oo ka soo gaartay Shakhtar Donetsk halka ay sidoo kale guuldarooyin ka soo gaareen horyaalka kooxaha Cadiz, Alaves iyo Valencia, iyagoo barbaro la galay Borussia Monchengladbach iyo Villarreal.

Zidane ayaa la hadlay warbaahinta ka dib kulankii caawa isagoo yiri: “Isma casilayo. Waxaan ina soo maray waqtiyo adag. Waa natiijooyin aad u xun xun. Waa sida ay xaaladeenu tahay, laakiin waa qasab inaan howsha sii wadno.

“Waan ognahay maanta inay final aheyd, si fiican ayaana isagu diyaarinay. Qeybtii hore waan fiicneyn, laakiin waan awoodi weynay inaan gool dhalino. Kulan ayaa inoo haray, waxaana ku qasbanahay inaan badino.

“Awood ayaan leeyahay, waxaana kooxda siin doonaa wax walba sida aan mar walba sameeyo sida ay ciyaartoyda mar walba sameeyaan. Kulankii horyaalka uma aanan qalmin inaan badino laakiin maanta waan u qalanay. Waa inaad madaxa sarre u qaadaa kana fekertaa kulanka xiga. Doorasho kale ma lihin oo aan aheyn inaan hore u socono.”

Madrid ayaa marti u ah isbuuca soo socda kooxda Sevilla ee horyaalka La Liga ka hor inta aysan Borussia Monchengladbach ku soo xirin wareega group-yada Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More