Miyuu Vinicius Junior Ka Tegayaa Real Madrid? – Akhriso Warkii U

Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa sii joogi doona Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda iyadoo uu fursado ka heli doono tababare Carlo Ancelotti.

Vinicius Junior ayay warbaahintu sheegtay in ay saamayn ku yeelanayso tirada sharciga Spain u ogol yahay ciyaartoyda  ajaanibka ah ee koox waliba haysan karto, taas oo isaga ka dhigtay dheeraad. Manchester United ayay wararku sheegayeen in Real Madrid u bandhigtay.

Laakiin shabakadda Goal, ayaa sheegtay, inay heshay xogta go’aanka Real Madrid ee ku saabsan ciyaartoygan, taas oo ah in Florenino Perez uu aad u jecel yahay laacibkan, una arko inuu yahay mustaqbalka.

Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale Vinisius Junior ka dhiganaya xiddigaha uu ku duulo xilli ciyaareedka 2021-22, halka Raphael Varane uu yahay ciyaartoyga kaliya ee Real Madrid ay diyaarka u tahay inay ka iibiso Manchester United.

21 jirkan xirfadda iyo orodka badan ayaa la filayaa inuu ka faa’iidaysan doono waayo-aragnimada Ancelotti oo uu heli doono sirta gool-dhalinta ee hadda ka maqan, iyadoo uu xilli ciyaareedkii hore saxeexay lix gool iyo toddoba caawimood oo dhamaan tartamada ahaa.

Xulka qaranka Brazil ee ka qayb-galay tartanka Copa America ayuu qayb ka ahaa, waxaanu ciyaaray 64 daqiiqadood oo ay ku jirtay ciyaartii finalka ee Argentina koobka ka qaadday oo uu waqti dambe soo galay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More