Miyay Aubameyang Iyo Lacazette Diyaar U Yihiin Kulanka London Derby Ee

Kooxda Arsenal ayay u badantahay inay kulanka London Derby ee Chelsea ay kahor tagayso Axada dambe markale waayi doonto xiddigaha hoggaanka u ah weerarkeeda ee Pierre Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Laakiin Gunners ayay wararku sheegayaan inay sii haysan doonaan xiddigahaas kaddib markii Abraham oo ay ka doonayeen Chelsea uu heshiis la gaadhay AS Roma.

Aubameyang iyo Lacazette ayaa labaduba ka maqnaa Arsenal kulankii ay guuldarrada 2-0 ka ah kala kulmeen kooxda horyaalka ku cusub ee Brentford oo ay Jimcihii wada ciyaareen.

Labada xiddig ayaa ahaa kuwo xanuun ku seegay ciyaartaas, sida uu sheegayo wargeyska The Times uma muuqdaan kuwo caafimaadi doona kahor ciyaarta ay Chelsea ku qaabilayaan Emirates Stadium.

Dhinaca kale waxa jira warar xusaya in Gunners ay iibin karaan Pierre Emerick Aubameyang xilli kaliya sanad kasoo wareegay markii ay heshiiska uu mushahar ahaan u qaadanayo 350,000 ee pound ka saxeexdeen.

Dhinaciisa Lacazette ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda wuxuuna bisha January awoodi doonaa inuu kooxaha kale wadahadalo la bilaabo.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez balse waxa la filayaa inuu heshiis cusub u saxeexi doono Nerazzuri xiddiga Argentine-ka ahi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More