Mikel Arteta Oo Sharraxay Sidii Uu Vincent Kompany Uga Caawiyey

Arsenal waxay maanta si rasmi ah ula soo wareegtay saxeexoodii labaad ee xagaagan, waxaanay gacanta kusoo dhigeen laacibka da’da yar ee kooxda Anderlecht ee Albert Sambi Lokonga oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah.

Albert Sambi Lokonga ayay Arsenal kusoo iibsatay lacag dhan £15  milyan oo Gini, waxaana markii uu sida rasmi ah u saxeexay heshiiska ay kooxdu shaacisay lambarka uu u xidhan doono oo ah No.23.

Mikel Arteta ayaa laacibkan yar kusoo darsaday safkiisa si uu ugu buuxiyo boosaskii ay banneeyeen Martin Odegaard iyo Dani Ceballos oo dib ugu laabtay Real Madrid iyo sidoo kale Granit Xhaka oo la filayo inuu ka tago xagaagan, kuna biiro kooxda Talyaaniga ee Roma.

Lokonga ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Belgium xilli ciyaareedkii hore, waxaanu dhamaystay isagoo ah kabtanka kooxda Anderlecht, taas oo uu u doortay Vincent Kompany oo ah tababaraha kooxdaas.

Sannadkii 2017 ayaa loosoo dallacsiiyey kooxda koowaad oo uu saftay kulankii ugu horreysay, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey in ay soo gasho kaalinta afraad xilli ciyaareedkan.

Mikel Arteta oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyey farxadda uu ka qaaday saxeexa laacibkan, waxaanu yidhi; “Albert waa ciyaartoy aad u caqli badan oo muujiyey qaangaadhnimada bandhiggiisa xilligii koritaankiisa.

“Waxa soo tababaray Vincent Kompany. Waxa aan si fiican u garanayaa Vincent oo aad uga hadlaya Albert Sambi Lokonga iyo taamaynta togan ee uu ku yeedhay Anderlecht xilli ciyaareedyadii u dambeeyey.

“Waxa aanu ku kalsoonahay in Albert uu diyaar u yahay heerka xiga ee koraankiisa ciyaareed, waxaananu rajaynaynaa inay soo dhoweyn doonaan ciyaartoyda kale ee kooxdu tayadiisa iyo feejignaantiisa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More