Mikel Arteta Oo Kashifay Hadaladii Xanaaqa Ahaa Ee Uu Ku

2

Mikel Arteta ayaa ku tilmaamay casaankii uu Nicolas Pepe qaatay mid aan la aqbali karin isagoo ku eedeeyay xiddiga garabka ka ciyaara inuu howl culus dusha ka saaray xiddigaha kale ee kooxda kulankii Elland Road.

Gunners ayaa ciyaarta laga heystay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana howsha ku sii cusleeyay Pepe oo casaan toos ah qaatay markii uu herdiyay xiddiga Leeds United ah.

Inkastoo uusan garsooraha dhexe arkin dhacdada hadana waxaa aragay VAR iyadoo markii uu garsooraha dhacdada ka hubiyay shaashada uu go’aansaday inuu casaan u taago Pepe.

Gunners ayaa nasiib ku laheyd inaan laga badinin kulankii maanta iyadoo Leeds United ay seddex jeer birta u haraacday.

Inkastoo ay dhibic badbaadsadeen hadana Arteta ayaan ka careysnaa kulankii maanta gaar ahaa wixii uu sameeyay Pepe.

“Marka la eego waqtiga hore ee Pepe ciyaarta laga saaray waa qasab inaan dhibicda aqbalno. Marnaba ma jecli barbaro laakiin xaalada aan galnay waa dhibic fiican” ayuu Arteta u sheegayt Sky Sports.

Markii la weydiiyay haddii marmarsiiyo loo heli karo wixii uu Pepe sameeyay,. Arteta ayaa ku jawaabay: “Maya, waa wax aan la aqbalin”

Waxaa hadana la weydiiyay haddii uu Pepe kala hadlay wixii uu sameeyay iyo wixii uu ku yiri xiddiga garabka ka dheela, Arteta ayaa ku jawaabay: “Haa waan la hadlay, waxaan u sheegay wixii sameeyay inaysan aheyn wax aan la aqbali karin.

“Waan jecleystay habdhaqanka kooxda markii uu Pepe niyadjab nagu abuuray.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More