Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Ceyrintiisa & Aragtida Ay Maamulka

Mikel Arteta ayaa qirtay inuusan ka warqabo in maalin uun la ceyrin doono.

Laakiin tababaraha Arsenal ayaa dooneynin inay maalintaas noqoto goordhow inkastoo Gunners ay ka dhacday kaalinta 14aad ka dib guuldarro ka soo gaartay Wolves.

Arsenal ayaa marna sarre u kaceysay marna hoos u dhaceysay xilli ciyaareedkan, iyagoo wacdarro dhigay kulankii Manchester United laakiin waxay dhibco ku dhumiyeen kooxaha sida Leeds iyo Aston Villa.

Arteta ayaa loo xilsaaray inuu Gunners ku soo celiyo Champions League laakiin waa inay horumar degdeg ah sameeyaan si ay u gaaraan yoolkaas.

Tababaraha reer Spain ayaa si fiican uga warqava in natiijooyinka xun xun ay sababi doonaan in la ceyriyo.

Arteta ayaa yiri: “Waxaa wax maalintii aan go’aansaday inaan tababare noqdo aan sii gaa in la ceyrin doono ama aan ka tagi doono koox.

“Ma garanayo inay maalintaas tahay maalin ka dib markii aan saxiixo qandaraaskeyga, bil ka dib, sannad ka dib ama lix bilood ka dib. Marna kama walwalo.

“Walwalkeyga kaliya waa inaan qaab ciyaareedka ugu fiican ka soo saaro ciyaartoyda, waa inaan si fiican ugu adeego kooxda oo aan noqdo mid ka fiican maalinba maalinta ka danbeysa.

“Waan ogahay in shaqadaan ay ii horseedi doonto in maalin uun la ii ceyrin doono ama aan baxayo laakiin ma ogi maalinta ay noqon doonto.”

Sida ay sheegtay The Athletic, Arteta halis uguma jiro in la ceyriyo waqti dhow.

Maamulka Gunners ayaa la sheegayaa inay diyaar u yihiin inay taageero u sii muujiyaan tababaraha reer Spain madaama aysan dooneynin inay noqdaan koox had iyo jeer tababare iska bedesha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More