Mikel Arteta ayaa go’aansaday
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qaatay go, aan uu shaqada uga caydhiyo weeraryahanka reer Gabon Pierre Emerick Aubameyang kadib guuldaradii 2/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Tottenham todobaadkan.
Warar cusub ayaa sheegaya in Arteta uu go’aansaday inuusan kabtan kala wareegin Aubameyang inkasta oo uu ciqaabay qalad uu sameeyay Axadii.
31-sano jirkaan ayaa ka saaray Arteta safkiisa koowaad wuxuuna dhigay kursiga keydka ka dib markii uu seegay shirkii jaraa’id ee axadii ee Spurs ka hor ciyaarta.
Aubameyang ayaa umuuqday mid careysan markii uu kursiga keydka fadhiyay usbuucaan mana uusan ka qeyb galin kululeynta ciyaarta ka dib wuxuuna go’aansaday inuu ka tago Emirates Stadium goor hore.
Waxaa jiray shaqsiyaad badan oo soo jeediyay in Arteta laga qaado Aubameyang kabtanimada si dhaqankiisa loogu ciqaabo si ka daran.
Laakiin sida laga soo xigtay The Sun, Mikel ma qabo dareenkaas wuxuuna aaminsan yahay in dhibaatada wax laga qabtay oo uusan u baahnayn ciqaab dheeri ah.
Arteta ayaa lagu amaanay go’aankiisa uu ku tilmaamay Aubameyang, oo ah ciyaaryahanka ugu muhiimsan kooxdiisa ee ku sugan Emirates, hogaamintiisa wanaagsan.
Waa la arki doonaa haddii Aubameyang uu ku soo laaban doono kooxda Arteta ee kulanka UEFA Europa League ee khamiista ay la ciyaarayaan Olympiacos.