Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Ee

1

Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool, Newcastle United iyo Manchester United ee Michael Owen ayaa ka aragti dhiibtay kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League xilli ay ku jiraan ciyaaro la sugi la’yahay.

Kulanka ugu adag Premier League toddobaadkan ayaa noqonaya midka ay markale kulmayaan ragga mudada dheer kusoo xifaaltamayay jagooyinka ugu sarreeya kubadda cagta ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo kala hoggaaminaya Tottenham iyo Man City.

Sidoo kale waxa isha lagu hayn doonaa ciyaarta ay Liverpool oo musiibo dhaawacyo ahi ku habsatay ay la ciyaari doonto dhigeeda hoggaanka haysa ee Leicester City oo qudheedu mudo dheer dhaawacyo badan qabtay.

Aan ku bilawnee Michael Owen ayaa aaminsan in Chelsea ay kulanka furitaanka toddobaadkan sii wadi doonto guulaheeda oo ay kasoo adkaan doonto Newcastle United oo ay booqanayaan.

Sidoo kale Owen ayaa guul u rajaynaya Liverpool isaga oo qaba in dhib kasta oo ay qabaan ay dhinaca dhulka u dhigi doonaan xiddigaha tababare Brendan Rodgers ee Leicester.

Michael ayaa diiday inuu kooxaha saddexda dhibcood qaadanaya ka reebo Manchester United isaga oo saadaaliyay inay guul ka heli doonaan kooxda dhibtoonaysa ee West Browmich Albion oo soo booqanaysa.

Kulanka la wada sugayo ayuu Owen libinta u saadaaliyay Pep Guardiola iyo Sky Blues waxaana uu arkaa inay saddexda dhibcood kasoo tirsan doonaan Spurs iyo Mourinho oo xilli ciyaareedkan lagu tirinayo kooxaha horyaalka u tartamaya.

Ugu dambayn, Owen ayaa sidoo kale guul u rajeeyay Arsenal walow uu Mikel Arteta booqanayo Marcelo Bielsa iyo kooxdiisa dhibta badan ee Leeds United.

Saadaashad Owen Ee Toddobaadka 9-aad Oo Dhammaystiran

Newcastle United 1-2 Chelsea

Aston Villa 1-1 Brighton

Burnley 0-0 Crystal Palace

Fulhan 1-3 Everton

Liverpool 3-1 Leicester City

Man United 2-0 West Bromwich

Wolves 1-1 Southampton

Tottenham 1-2 Man City

Sheffield United 1-1 West Ham United

Leeds 1-2 Arsenal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More