Michael Owen Oo Magacaabay Saxiixii Ugu Fiicnaa Premier

Michael Owen ayaa aaminsan in Liverpool ay sameysay saxiixii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan oo ah Diogo Jota.

Xiddiga reer Portugal ayaa si dhaqso ah u la qabsaday Reds ka dib markii uu 45 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Wolves bishii September.

Jota ayaa durbaba dhaliyay sagaal gool 15 kulan uu u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, halka Jurgen Klopp durbaba loogu baaqay inuu 23 jirkaan si toos ah u la wareego booska Roberto Firmino.

Owen oo ah xiddig hore ugu soo dheelay Liverpool ayaa aaminsan in Jota uu yahay saxiixii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkan.

“Cidna ma saadaalineynin inuu sidaan u la qabsan doono kooxda” ayuu Owen u sheegay BT Sport.

“Waa inaad tiraahdo inuu yahay saxiixii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkan.

“Wuxuu igu soo jiitay orodkiisa, waa inaan qirto. Waxaan qabaa inuu aad uga orod badan yahay intaan ka filaayay. Kulankii Atlanta wuxuu ahaa koronto.

“Waa nin degan, dadka intooda badan darbo ayay isku boobsiiyaan marka ay boos fiican helaan.

“Waxaan u maleynayaa inuu kubado madaxa ah dhaliyay, xagta midig, cagta bidix, wuxuu dhaliyay wax walba ilaa iyo haatan, wuxuuna u muuqday xiddig dhameystiran sida uu ciyaarta isagu xirayo.

“Qofna ma malayn kareyn tayada uu muujiyay ilaa iyo haatan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More