Mesut Ozil waa inuu heystaa lambar qalaad

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in mustaqbalka Mesut Ozil la go’aamin doono maalmo yar kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya inuu ku biirayo kooxda Fenerbahce.

Warar Arbacadii soo baxay ayaa sheeganayay in 32 jirkaan uu ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis seddex sano iyo bar ah oo uu kula joogayo kooxda reer Turkey.

Ozil, oo aan u ciyaarin Arsenal xilli ciyaareedkan isla markaana laga reebay safka Gunners ee Premier League iyo Europa League, ayaa noqon doona wakiil xor ah inta lagu jiro xagaaga oo qandaraaskiisu dhacayo.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa dooneysa inay hoos u dhigto mushaarkiisa si ay ugu xoojiso kooxdooda.

Kahor wareegii seddexaad ee FA Cup Axadii oo ay la ciyaarayeen Newcastle, Arteta wuxuu yiri dhowr maalmood si loo go’aamiyo mustaqbalka looga hadlayo Ozil.

Warbaahinta Turkiga ee Fanatik ayaa sheegatay in Ozil uu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro Fenerbahce.

Xitaa waxay dhaheen wuxuu xiran doonaa funaanada lambarka 67 ee kooxda Sukru Saracoglu Stadiu.

Sababta uu u haystay lambarka 67 ayaa lagu sheegay inay ka timid lambarka boostada ee magaalada qoyskiisa ee Zonguldak.

Ozil ayaa markaa kadib la wareegaya funaanada No. 10 ee Mbawana Samatta, kaas oo amaah ugu ciyaara Aston Villa xilli ciyaareedka soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More