Mesut Ozil Oo Fariin Dahsoon U Diray Mikel Arteta &

Mesut Ozil ayaa taageerayaashiisa la wadaagay muuqaal soo koobaya waqtiyadiisii ugu fiicnaa ee intii uu ka hoos ciyaarayay tababare Mikel Arteta iyadoo weli Arsenal ay diidan tahay inuu u ciyaaro.

- Advertisement -

Kubadsameeyaha Jarmalka ayaa ku guuldareystay inuu kulan tartan rasmi ah u ciyaaro Arsenal tan iyo markii uu caawiye ka noqday goolkii guusha ee uu Alexandre Lacazette ka dhaliyay West Ham bishii Maarso ee sannadkan.

Madaama uu ciyaaryahanka ku jirin qorshaha Arteta, 31 jirkaan ayaa fariin dahsoon u diray xiddigii hore ee ay iska garab ciyaarayeen Arteta isagoo xusuusiyay waxa uu u qaban karo.

Ozil ayaa ku soo wadaagay akoonkiisa Twitter muuqaal uu bishii March sameeyay taageere taasoo muujineysa tayadiisa, farsamadiisa iyo howsha uu u qabtay kooxda kulamadii sida Manchester United, Chelsea iyo Everton.

Muuqaalka wuxuu la wadaagay taageerayaashiisa 25ka milyan ee Twitter  isagoo ku soo qoray: “Bilowgii 2020, dib u eegis. #M10 #YaGunnersYa.”

#startof2020 ⚽️💥 #throwback #M1Ö #YaGunnersYa https://t.co/ZwlITAzTPW

— Mesut Özil (@MesutOzil1088) October 12, 2020

Taageerayaasha ayaa aragti ka dhiibtay muuqaalka uu dib u wadaagay Ozil iyadoo taageere uu soo qoray: “Kaliya doqomo ayaan arki karin waxa aad garoonka ku qabato. Waan ku gadaal joognaa boqorkiiyow.”

Mid kale ayaa qoray: “Arsenal waxooda waa waali inay sidaan oo dhan ixtiraam darro kuugu muujiyaan, waxaan rajeynayaa inaysan nagu soo laabanin maalin uun”

Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Haddii ay tani tahay dhamaadka, markaas waxaan doonayaa inaan kuu sheego inaan ku xiisi doono. Waxaa tahay xiddigii ugu fiicnaa ee waayaha Emirates.”

Mid kale ayaa soo qoray: “Aad ayaan uga xumahay qaabka ay maamulka haatan kuula dhaqmayaan, adigoo weliba na tusay sida aad daacad ugu tahay kooxda”

Qandaraaska Ozil ee Arsenal waxaa ka harsan kaliya hal sanno, iyadoo dhawaan laga reebay liiska kooxda ee tartanka Europa League, waxaana la filayaa in laga reebo midka Premier League.