“Messi waxa uu u qalmaa fursad labaad ee Barcelona” – Xavi – FM

(Barcelona) 30 luulyo 2022. Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa xaqiijiyay inuu rajaynayo saaxiibkiisii hore haatana ah xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi inuu ku soo laabto safka Blaugrana.

Wargeyska Sport ayaa shaaca ka qaaday wareysiga Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez, wuxuuna yiri:

“Waxaan rajeynayaa in Messi waqtigiisa Barcelona uusan dhammaanin.”

“Waxaan qabaa in Messi uu u qalmo fursad labaad, waxaan rajeynayaa inuu ku laabto kooxda Catalonia,”

“Haddii su’aashu ay tahay: Miyaan doonayaa Messi inuu soo laabto mise maya? Jawaabtu waa haa.”

“Soo noqoshada Messi waa fikradda mustaqbalka kooxda, laakiin ma ahan xilli ciyaareedkan.”

Messi ayaa xagaagii hore beeca xorta ah ugu biiray Paris Saint-Germain, kaddib markii maamulka Barcelona ay ku guuldarreysteen inay qandaraaska u kordhiyaan, marka lavatory eego dhibaatada dhaqaale ee soo wajahday kooxda Blaugrana.

Qandaraaska Messi ee kooxda Paris ayaa dhacaya xagaaga 2023, iyadoo tababare Xavi uu doonayo inuu keeno kahor bilowga xilli ciyaareedka 2023-2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More