Messi Oo Soo Cago Dhigtay Magaalada Barcelona, Heshiiskiisa Cusub Ee

Xiddiga ree Argentina ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn ku laabtay magaalada Barcelona si uu heshiis cusub ugu saxeexo Barca, heshiiskii Messi ee kooxdaas ayaa dhacay bishii hore ee June balse ahaa mid ku mashquulsan Copa America iyo fasaxiisa xagaaga intaas.

Maamulka sarre ee Barcelona ayaa ahaa kuwo kalsooni weyn ku qabay in Messi uu heshiis cusub u saxeexi doono, haatan ayuu kusoo laabtay magaaladaas si uu toddobaadka dambe u saxeexo heshiiska cusub sida uu sheegayo wargeyska Sport.

Messi ayaa ahaa mid mushahar ahaan heshiiskiisii hore 500,000 oo pound qaata balse go’aansaday inuu mushahar dhimis 50% ah sameeyo si uu kooxdaas shan sano oo kale usii joogo taas oo muujinaysa tanaasulka mushahar ee uu sameeyay.

Barcelona ayaa ah mid dhaqaale ahaan xaalad adag ku jirta kaddib saamaynta caabuqa Korona Fayras waxaana ay u baahantahay isku dheeli tir dhaqaale.

Madaxweynaha kooxdaas ee Joan Laporta ayaa intii uu lagu gudo jiray soo bandhigistii Memphis Depay sheegay inay wadaan qorshaha heshiis cusub oo laga saxeexo Messi.

Si lamid ah Depay, Barcelona ayaa sidoo kale la saxeexatay Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal balse aan wali midkoodna diiwaan gashan sababtoo ah inay dhaafeen xadiga mushahar bixinta horyaalka La Liga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More