Messi-ga Carbeed Ee Said Benrahma Oo Ku Dhacay Tijaabada
Ciyaaryahanka garabka weerar ee kooxda Brentford iyo xulka qaranka Algeria ee Said Benrahma ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay tijaabada caafimaadka oo uu u marayay kooxda Premier League ee West Ham United.
Said ayaa qarka u fuushanaa inuu Hammers ku biiro maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga ee gudaha England balse qandaraaska 25-ka Milyan ee Pound ah ee uu London Stadium kaga degayay ayaa halis ku jira.
Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mirror oo ah midka xogtan laga helayaa, dib u dhaca ah in Benrahma uu ku dhacay tijaabada caafimaadka ee West Ham United ayaa ah mid kamida caqabado dhawr ah oo kooxda ree London ku qabsaday saxeexiisa.