Mbappe Oo Jabiyay Rikoodhkii Lionel Messi Xilli PSG Iyo

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Istanbul Basaksehir ayaa xirtay funaanada ay ku qoran tahay “Maya dheh cunsuriyada” ka hor kulankoodii dib loo ciyaaray ee Champions League.

Ciyaarta oo ka bilaabatay 14 daqiiqo ayaa waxaa 5-1 ku badisay kooxda Faransiiska iyadoo seddexleey uu dhaliyay Neymar halka labo gool uu dhaliyay Kylian Mbappe oo jabiyay rikoodhkii Messi.

Ciyaartaan oo ku balansaneyd inay dhacdo shalay oo Talaado ah ayaa lagu kala dareeyay iyadoo 0-0 ay maryso ka dib markii garsooraha afaraad ee ciyaarta oo u dhashay Romania uu cunsuriyeeyay caawiyaha tababaraha kooxda Turkiga oo lagu magacaabo Pierre Webo.

Garsoorahaan ayaa haatan qorsheynaya inuu isaga fariisto shaqadaan ka dib markii ay UEFA bilowday baaritaan taasoo keeni karta in 10 kulan la ganaaxo.

Kulanka Group H ayaa ka bilowday halkii looga kala tagay shalay laakiin waxaa garsoorayaal looga dhigay rag cusub oo uu hogaaminayay garsooraha reer Holland Danny Makkelie.

Ciyaaryahanadda labada kooxood ayaa garoonka ku soo galay iyagoo xiran funaanado ay ku qoran tahay “Maya  dheh cunsuriyada”

Ciyaaryahanadda labada kooxood ayaa sidoo kale iyagoo isku dhafan waxay bartamaha garoonka dhigteen jilibka iyagoo diray fariin looga soo horjeedo cunsuriyada ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin.

10 daqiiqo markii ay ciyaarta socotay, Neymar ayaa hogaanka u dhiibay kooxda PSG iyagoo u baahnaa guul si ay u xaqiijistaan kaalinta koowaad ee Group H.

Wuxuu dhaliyay goolkiisa labaad daqiiqadii 38aad ka hor inta uusan Mbappe dhalinin rigoore uu ku jabiyay rikoodhkii Lionel Messi.

Mbappe ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa abid tartanka Champions League ee gaara 20 gool.

Mbappe wuxuu 20 gool ku gaaray isagoo da’diisa ay tahay 21 sannadood iyo 355 maalmood, wuxuuna in ka yar sannad kaga hormaray xiddiga lixda jeer hantay Ballon d’Or.

Neymar ayaa dhameystirtay seddexleydiisa qeybtii labaad, waa seddexleydii seddexaad ee uu tartankaan ka dhaliyo taasoo la micno ah in kaliya Messi iyo Ronaldo ay kaga horeeyaan seddexleyda.

Mehmet Topal ayaa gool u soo celiyay kooxda Turkiga laakiin waxay aheyd xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen/

Mbappe ayaa dilay ciyaarta isagoo ka dhigay 5-1, waxayna PSG ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group H halka RB Liepzig ay ku soo baxday kaalinta labaad iyadoo Manchester United u dhacday Europa League halka Istanbul Basaksehir ay gabi ahaanba ka hartay tartamada Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More