Maxay Tahay Sababta Uu Ole Gunnar Solskjaer Ugu Hanjabay Jadon Sancho,

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa uga digay xiddigaha Manchester United ee England ku matalayay koobka Qaramada Yurub inay seegi doonaan kulanka furitaanka Premier League haddii ay soo laabtaan iyagoo aan taam buuxda aheyn todobaadka danbe.

Xiddigaha Ingariiska Harry Maguire, Marcus Rashford, Luke Shaw iyo saxiixa cusub Jadon Sancho ayaa dhamaantood ku soo laabanaya xarunta tababarka Carrington maalinta Isniinta.

Laacibiinta khadka dhexe Paul Pogba iyo Fred ayaa iyagana ku balansan inay waqtigaas oo kale soo laabtaan ka dib fasaxa xagaaga oo ay ku maqnaayeen.

Tababaraha Man United Solskjaer ayaa yiri: “Wiilasha aan weli soo laabanin, wax fekrad ah kama heysto heerka taam ahaanshahooda.

“Qof walba waxa uu soo laabanayaan Isniinta, waxay heystaa ilaa labo isbuuc ka hor kulanka ugu horeeya, waxayna la taasi la micno tahay seddex isbuuc ka dib kulankoodii ugu danbeeyay – Fred oo Copa America ka qeybgalay iyo xiddigaha England la gaaray finalka.

“Sidaasi darteed waan arki doonaa sida ay yihiin, heerka taam ahaanshahooda sababtoo ah waxay sidoo kale ku xirnaan doontaa waxa ay sameeyeen intii ay ku maqnaayeen fasaxa.

“Garoonka ma soo gelin karo iyaga haddii aysan taam buuxda aheyn.”

Ninka la ilaaway Phil Jones ayaa isna rajeynaya inuu iska gadaal mariyo 18kii bilood uu dhaawaca ku maqnaa isagoo tababarka ku soo laabanaya isbuuc dhamaadka.

Daaficii hore ee xulka England oo 29 sanno jir ah ayaan u dheelin Shayaadiinta Cas Cas tan iyo bishii Janaayo 2020.

Wuxuu la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More