Maxay Tahay Sababta Uu Jose Mourinho LUGTA DOOFAARKA Ugu

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa markale qabsaday baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram ee uu wacdaraha ka dhigayay muddooyinkan ugu dambeeyay iyadoo uu ku wehelinayay daafaciisa bidix ee Sergio Reguilon.

Jose ayaa sawirka uu soo dhigay uu ka muuqanayaa isaga oo lug doofaar oo 500 Pound ah u iibiyay Reguilon iyadoo sababtu ay ahayd in ciyaaryahankiisu uu ku guuleystay sharad ay wada galeen.

“Balani waa balan, waxa igaga baxay 500 oo Pound balse waan ilaaliyaa balamahayga” ayuu Jose kusoo hoos qoray sawirka isaga iyo Reguilon.

Marka laga yimaado in Mourinho uu bixiyay sharadka lagaga guuleystay, waxaan wali caddayn waxa uu sharadkaasi ku saabsanaa.

Jose Mourinho ayaa shaqada Tottenham la wareegay bishii November ee sanadkii hore, xilli ciyaareedkan oo ah midkiisii ugu horreeyay ee dhammaystiran ayuu qaab adag ugu bilaabay kooxdaas iyagoo hoggaaminaya horyaalka wakhtigan.

Spurs ayaa kulankoodii ugu dambeeyay guul 2-0 ah ka gaadhay Manchester City oo uu hoggaan u yahay Pep Guardiola kaddib laba gool oo ay ka heleen Son Hueng Min iyo Gio Lo Celso.

Kooxda waqooyiga London ayaa kaddib kulanka Europe League ee ay Khamiista la ciyaarayaan dhigooda Ludrogets booqan doona kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Chelsea oo qudheedu qaab fiican ku jirta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More