Maxay Aheyd Hadiyadii Qaaliga Aheyd Ee Zlatan Ibrahimovic U

2

Weeraryahanka AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa hadiyad u iibiyay xiddig kasta oo ka tirsan kooxda Talyaaniga, isagoo u soo iibiyay ciyaar gacmeedka cusub ee sida weyn loo raadinayo ee PlayStation 5.

Seddex ka mid ah ciyaartoyda Rossoneri ayaa Instagram soo dhigay sawiro ay uga mahadcelinayaan hadiyada ay ka heleen 39 jirkan ka dib markii ay gacanta ku dhigeen PlayStation 5.

PS5 ayaa kaliya maanta suuqa la soo dhigay iyadoo macaamiisha ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan ciyaar gacmeedkan ay sameyso shirkada Sony.

Xiddigaha sida Mateo Musacchio, Samu Castillejo iyo Rafael Leao ayaa dhamaantood ka mahadceliyay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u heleen PS5.

Musacchio ayaa Ibrahimovic ku xusay fariintiisa Instagram isagoo soo sawiray PS5 oo dhex yaala gurigiisa.

Xiddiga reer Spain ee garabka ka ciyaara Castillejo ayaa isna uga mahadceliyay halyeeyga reer Sweden hadiyada uu ka helay isagoo sawir ka soo qaaday PlayStation 5 oo u dulsaaran gaarigiisa Lamborghini.

Weeraryahanka reer Portugal Leao ayaa isna la dhacay hadiyada qaaliga ah ee uu ka helay xiddigii hore ee Juventus iyo Inter Milan isagoo soo qoray: “Waad mahadsan tahay midkii ugu fiicnaa abid hadiyada aad i siisay.”

Taageerayaasha ayaa durbadiiba bilaabay inay ka hadlaan sababta ay u iibsan kari waayeen maanta PS5 inay tahay inuu Ibrahimovic wada iibsaday intii suuqa la soo dhigay.

Taageere ayaa ku kaftamay: “La yaab ma ahan inaan dadkeena caadiga ah heli karin balse ay ciyaartoyda kubada cagta durbaba heystaan.”

Mid kale ayaa yiri: “Oo tan ayay sabab u ah inaan maanta heli waayay.”

Ibrahimovic ayaa qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaya AC Milan xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay sideed gool kaliya shan kulan uu saftay horyaalka Serie A.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More