Maxay Ahayd Farrintii Uu Sergio Ramos U Diray Raphael Varane Markii

Sergio Ramos  ayaan ka adkaysanin saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Raphael Varane oo ay suuqa xagaagan ee socda labadooduba ka tageen Santiago Bernabeu oo ay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey iska soo garab ciyaarayeen.

Ramos iyo Varane ayaa iyagoo difaaca u wada taagan Sergio Ramos waxay ku guuleysteen afar Champions League, laba horyaalka LaLiga iyo koobab kale oo badan.

Difaaca reer Spain ee 35 jirka ah ayaa horraantii bishan July soo gabogabeeyey 16 sannadood oo uu ka tirsanaa Real Madrid oo uu waliba xubin muhiim ah ka ahaa, waxaanu si bilaash ah ugu wareegay Paris Saint-Germain.

Raphael Varane oo toban sannadood ka hor ay Real Madrid soo iibsatay ayaa isaguna u wareegay Manchester United oo ay Real Madrid kaga iibisay 42 milyan oo Gini, waxaanay arrintani timid markii uu Varane diiday inuu saxeexo heshiis cusub, xilli qandaraaskiisa 11 bilood oo kali ahi ka hadhsanaayeen.

Markii ay Manchester United ku dhawaaqday saxeexa Raphael Varane, waxa bartiisa bulshada ee Instagram kaga falceliyey Sergio Ramos oo dardaaran, kaftan iyo xasuusin waayihii ay soo wada mareen ah isku raaciyey.

Sergio Ramos ayaa yidhi: “Dear Rapha, waxa kaliya oo aan kaaga mahad celinayaa sannadihii saaxiibtinimo, wehelnimo iyo guulihii aan gaadhnay.

“Waxa aan kuu rajaynayaa nasib wanaagsan heerkaaga cusub oo run ahaantii aad ku farxi doonto.”

Intaa kaddib waxa uu Sergio Ramos la kaftamay Varane, isagoo yidhi: “Haddii aynu iska hor nimaadno, mar walba waa inaad la jirto kooxda waddankaaga [PSG], sow sax maaha?”

Waxa kale oo uu u raaciyey hadal dardaaran ah, isagoo yidhi: “Taxadar.”

Varane iyo Ramos ayay wada-shaqayntoodu bilaabantay sannadkii 2013kii iyadoo uu Jose Mourinho ahaa tababaraha Real Madrid, waxaana ku xigay Carlo Ancelotti iyo Zidane, xataa waqtigii Santiago Solari iyo Julen Lopetegui waxay ahaayeen kuwo aan la kala furin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More