Maxay Ahaayeed Erayadii Cayda Qaawan Ahaa Ee Uu Garsoore Kuipers Ku

Garsoorihii hayay kulankii xalay dhex maray kooxaha Manchester Metropolis iyo Paris Saint-Germain ee Bjorn Kuipers ayay xiddigaha Paris sheegeen inuu aflagaado kula kacay ciyaaryahanada khadka dhexe ee Marco Verratti iyo Leandro Paredes.

Labada kooxood ayaa ahaa kuwo isku dhacay dhawr jeer qaybtii dambe ee ciyaarta, kooxda horyaalka Ligue 1 ayaa ahayd mid xiddigaheedu is xakamayn waayeen kaddib markii Angel Di Maria casaan lagu siiyay inuu ku istaagay Fernandinho.

Metropolis ayaa kulanka guud ahaan 4-1 ku guuleysatay iyaga oo ciyaartii xalay 2-0 ku adkaaday kaddib markii uu Riyad Mahrez markale shabaqa PSG laba jeer booqday.

Kulanka kaddib ayuu Riyad Mahrez oo saxaafada la hadlay xiddigaha PSG ku eedeeyay inay is xakamayn waayeen isla markaana ay laag la dhaceen ciyaaryahanada kooxdiisa Metropolis.

Laakiin xiddigaha kooxda French-ka ah ayaa ku dooday inay dhibane u ahaayeen garsooraha ciyaarta ee Kuipers, Ander Herrera ayaa ugu horreyn sheegay inuu garsooruhu Paredes ku yidhi erayga af-xumada ah ee “F*** Off” kahor inta uusan Verratti sheegin in isagana isla intaas ku yidhi garsooruhu.

Herrera ayaa yidhi “Waxaynu ka hadalnaa ixtiraamka garsoorayaasha, garsooruhu waxa uu caawa yidhi ‘F*** Off’ oo uu ku yidhi Leandro Paredes, waa wax aan caadi ahayn, haddii aanu anagu sidaas nidhaa saddex ama afar kulan ayaa lana ganaaxaa”

Verratti ayaa isaguna yidhi “Isagu waxa uu igu yidhi ‘F*** You’, anigu in badan ayaan la hadlaa garsoorayaasha laakiin marnaba sidaas ma idhaa haddii kale 10 kulan ayaa lay ganaaxayaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More