Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Juventus Markii Uu Kusoo Laabtay

Cristiano Ronaldo ayaa maanta kusoo laabtay tababarka Juventus maalin kaddib markii uu yimid Talyaaniga, waxaanu bilaabayaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Juventus ayaa Sabtidii sheegtay, in Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono xilli ciyaareedkan xilli wax ka yar 12 bilood ka hadhsan yihiin dhamaadka qandaraaskiisa ee ku eg June 2022, markaas oo uu xor u noqon doono in uu u wareego kooxda uu doono.

Ronaldo ayaa fasax galay markii uu dalkiisu ka hadhay tartanka qaramada Yurub oo wareeggii 16ka ay kaga baxeen, waxaana muddadii uu fasaxa ahaa suuqyada ku jiray warar sheegaya in uu ka tegayo kooxdaas oo uu ku sii jeedo PSG ama Man United.

Si kastaba, 36 jirkan ayaa maanta yimid Continassa oo ay tababarka ku qaadanayaan ciyaartoyda kooxdiisu, waxaana halkaas ku sugayay taageereyaal dariiqa u taagnaa sidii ay u arki lahaayeen isaga.

Kaamirooyinka Tuttomercatoweb ayaa soo bandhigay laba gaadhi oo is-daba socda oo soo gelaya garoonka tababarka, waxaana midkood kasoo degay Cristiano Ronaldo.

Laacibkan ayaa waxa si diirran usoo dhoweeyey taageereyaal saf u taagnaa oo u yimid garoonka isaga dartii, waxaanu qaar ka mid ah siiyey saxeexiisa oo ay ka dalbadeen.

Cristiano Ronaldo oo 133 kulan oo uu u saftay Juventus u dhaliyey 101 gool oo 81 ka mid ah ay yihiin horyaalka Serie A, waxa uu hadda isku diyarinayaa xilli ciyaareedkiisii saddexaad oo uu rajaynayo inuu u dagaallamo sidii uu kooxdiisa ugula guuleysan lahaa Champions League iyo horyaalka oo ay dib usoo ceshadaan.

Halkan ka daawo jawigii garoonka tababarka markii uu Ronaldo kusoo laabtay:

#CR7 al J Medical // CR7 at J Medical ??@GoalItalia @goal pic.twitter.com/nFUH18D2TA

— Romeo Agresti (@romeoagresti) July 26, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More