Maxaa helay? Xiddiga Barcelona

Daafaca kooxda Barcelona Clement Lenglet ayaa laga qabtay kaamirooyinka isaga oo ku ooyaya gaarigiisa kadib markii ay 1-1 la galeen kooxda Cadiz.

- Advertisement 1 -

Barcelona ayaa lumisay fursad ay shalay ku heli kartay inay lix dhibcood ka qaadato kooxda hogaamineysa horyaalka ee Atletico Madrid iyadoo seddex dhibcood ka hooseysa Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Tababare Ronald Koeman kooxdiisa ayaa la kulantay dib u dhac laba dhibicood oo ay lumisay, maadaama ay u baahnaayeen inay ku laabtaan wadadii guusha ka dib burburkii PSG Talaadadii hore.

Kaddib guuldaradii iyo barbarihii ka dhacay Camp Nou, Barcelona waxay xaalad adag kula jirtay tababare Ronald Koeman kaas oo qirtay in guuldaradii PSG ka liidatay tii Cadiz.

Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay waxaana u dhaliyay Lionel Messi, laakiin dhamaadkii daqiiqadii 89aad, Cadiz ayaa loo dhigay rigoore ka dib qalad uu sameeyay Clement Lenglet oo uu u bedelay Alex Fernandez.

Dhamaadkii ciyaarta, wuxuu kula murmay garsooraha qaab murugo leh, laakiin markii uu garoonka ka degay gaarigiisa, wuxuu la ooyay jahwareer iyo qaladaad uu sameeyay oo ka hor istaagay kooxdiisa inay guuleystaan.

Mundo Deportivo ayaa degelkeeda ku daabacday muuqaal VIDEO ah oo muujinaya Clement Lenglet oo baabuur wado kuna ooyaya wadada.

Sida ka muuqata fiidiyowgaan, Clement Lenglet wuxuu xoqayaa indhihiisa, sidoo kale wajiga ayuu xoqayaa iyadoo taageerayaashu ay wadada marayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More