Mason Mount Oo Magacaabay Xiddig Actual Madrid Ah Oo Hurdo La’aani Ku

Xiddiga Chelsea ee Mason Mount ayaa weerar ku qaaday kubbd-sameeyaha Actual Madrid ee Toni Kroos kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay xalay ku karbaasheen Los Blancos ee ay Blues ugu gudubtay finalka Champions League.

Mason Mount ayaa dhibsaday hadallo uu Toni Kroos warbaahinta ka sheegay ciyaarta ka hor, waxaana uu jawaab ka bixiyey waxyaabihii uu xiddiga reer Germany yidhi.

Laacibka da’da yar ee reer England oo ka caawiyey Chelsea in ay gaadho finalka Champions League ee sannadkan lagu qaban doono magaalada Istanbul oo ay Manchester  Metropolis wada ciyaari doonaan, ayaa goolka labaad u saxeexay kooxdiisa  dhamaadkii ciyaarta, halka uu Timo Werner qaybtii hore dhamaystiray kubbad uu birta ka jaray Kai Havertz.

Mount oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlayay ayaa weerar ku qaaday Kroos, waxaana uu sheegay in ay hurdo la’aani ku dhici doonto kaddib guul-darradii xalay ay u geysteen.

“Waxa aan arkay mid ka mid  ah ciyaartoydooda (Toni Kroos) oo sheegaya in aanu hurdo la’aan ka qaadin shaqsiyaad. Laakiin koox ahaan ayay hurdo la’aan ugu ridnay. Wax badan ayaanu siinay, si fiicanna waan isku difaacnay.” Ayuu yidhi Mount oo la hadlayay CBS Sports activities.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Waxaad arkaysaa in aanaan siinin fursado badan. Waanu adkayn, waxaanay tahay in aanu sii wadno taas (qaab ciyareedkaas)”.

Muxuu ka jawaabayay Mount ee uu Toni Kroos yidhi?

Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos oo warbaahinta la hadlayay Salaasadii ka hor ciyaartan, ayaa waxa uu sheegay, in 15 sannadood oo uu ciyaaraha kusoo jiray aanay marna hurdo la’aani ugu dhicin natiijada ama ciyaar darteed.

“15 sannadood oo aan kubadda ciyaarayay, waligay hurdo la’aani iguma dhicin.” Ayuu yidhi Kroos oo kusii daray: “Lugtii hore, waxay Chelsea muujisay in ay u ciyaarayaan koox ahaan. Waxay haystaan tababare Jarmal ah oo aniga aan layaab igu ridin. Waxay isku difaaceen si fiican, afka horena ciuyaartooyo orod badan ayay ku haystaan, meelahaas ayay ka xooggan yihiin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More