Markii Hore Jamal Musiala, Haatanna Xiddig Kale….. – Bayern Munich

Bayern Munich ayaa mar kale kusoo labo-kaclaysay Chelsea laba sannadood kaddib markii ay ka qaadatay dhaliyaha layaabka leh ee Jamal Musiala oo lagu tilmaamo midka kooxda reer Germany u beddeli doona Robert Lewandowski.

Sannadkii 2019 ayay Bayern Munich la saxeexatay Jamal Musiala oo sidii iftiinka uga soo dhex muuqanayay kooxda da’yarta Chelsea, hase yeeshee intaas kuma ekaanin, waxaanay hadda qarka u saaran tahay laacib kale oo cajiib ah.

Sida warbaahinta Ingiriisku sheegtay, Bayern Munich ayaa dhexda u xidhatay, waxyarna u jirta in ay si rasmi ah ula wareegto 16 jirka Chelsea ee Emran Soglo oo lagu tilmaamo inuu tayo iyo hibo ciyaareed leeyahay, isla markaana uu mustaqbalka ciyaartoy weyn noqon doono.

Emran Soglo oo ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka xigta, sidoo kalena ka ciyaari kara garabka weerarka ayaa waxa uu toddobaadkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Munich, waxaanu tababarka la qaadanayay kooxda 17-jirrada Chelsea.

Der #FCBayern peilt – wie zuerst von @TheSecretScout_ vermeldet – eine Verpflichtung von #Chelsea-Talent Emran #Soglo an. Der 16-jährige Offensivspieler (Jahrgang 2005) trainierte vergangene Woche probeweise bei der U17 mit und ist seit dieser Woche im Training der U19. pic.twitter.com/dYaAa4ngPY

— Kerry Hau (@kerry_hau) July 27, 2021

Warka ayaa sheegay in Bayern Munich ay ka heshay da’yarkan, isla markaana ay u dirtay 19 jirrada oo uu iyagana tababarka la qaatay kaddib markii ay aragtay in uu ka xirfad sarreeyo 17 jirrada.

Emran Soglo ayay dadka qaarkood ku tilmaameen in uu leeyahay ifafaalihii Musiala oo noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee xulka Germany u qaatay tartankii qaramada Yurub.

Waxa uu Soglo ku fiican yahay inuu ka ciyaaro No10 iyo sidoo kale garab weerar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More