#ManUnited nasiib bay laheyd, waxaana qirtay Sidaas Solskjær ka dib markii ay garaacday West Ham

4,580

kooxda Manchester United ayaa guul muhiim aheyd ka gaartay Kooxda West Ham kulan katirsanaa horyaalka Premier League natiijada kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-1 oo ay ku awood sheegatay Kooxda Manchester.

Bilowgii hore ee ciyaarta Kooxda Manchester ayaa la hormartay gool rigoore ah waxaana u dhaliyey xidiga reer Farance ee Pogba daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta.

Kooxda Westa Ham ayaa sameesay dadaalo badan oo ay ku doonayeen in ay isaga soo gudaan goolka deenta ah balse uma suura galin in jaanisyadaas ay ka faa’ideystaan.

Qeebii hore ee ciyaarta ayaa ku idlaatay gool iyo wax oo ay la hor mareen Kooxda Manchester United, nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso gooni leh.

Kooxda Wes Ham ayaa dar dar xoog leh ku soo gashay qeebtii dambe ee ciyaarta waxa ayna la yimadeen goolka bareejada ee ciyaarta daqiiqadii 49-aad waxaana u dhaliyey xidiga reer Barazil ee Anderson.

United waxaa soo koray cadaadis aad u badan iyaga oona ku dhawaaday in laga dhaliyo gool kale oo labaad, balse Manchester United ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta heshay goolka guusha.

Daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta Pogba ayaa mar kale dhliyey goolka guusha ee ciyaarta, goolkaas ayaana ahaa gool rigoore ahaa.

Ugu dambeen Kulanka ayaa ku soo idlaaday 2-1 oo ay ku adkaadeen Kooxda Manchester United oo la balansan todobaadkan gudihii Kooxda Barcelona oo maanta bareejo gashay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More