Manuel Neuer Oo Calaamada Qoomu-Luudka Xidhay Kulankii Portugal &
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xaalad fadeexad ah oo ay eedaymo badan kala kulmeen dhexda kaga jira kaddib markii ay iska joojiyeen baadhitaan ay ku samaynayeen goolhayaha xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer.
Manuel Neuer ayaa kulankii ay dhawaan guusha 4-2 ah ka gaadheen Portugal soo xidhay calaamada kabtanimo oo ka samaysan calanka dadka qoomu-luudka ah ee iyaga oo isku jinsi ah is damca ee loo yaqaano LGBT.
Neuer ayay caadiyan ahayd inuu wajaho ganaax maadaama oo uu arrimo siyaasadeed u jabiyay sharciyada kubadda cagta Yurub balse UEFA ayaa ka gaabsaday.
Saacado kooban kaddib markii ay UEFA bilaabeen baadhitaanada lagu samaynayo goolhayaha, xidhiidhka kubadda cagta Germany ee DFB ayaa sheegay inay UEFA joojisay baadhitaanadaas.
Arrinta kale ee sumcada UEFA sii xumaynaysa ayaa ah inay baadhitaano ku samayn doonaan dadkii sitay boodhadhka lagaga soo horjeeday LGBT ee ka qayb galay kulamadii xulka Hungary magaakada Budapest kula ciyaaray Germany iyo France.
Hungary ayaa u safraysa garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich kulanka ugu dambeeya Group F, Mayor-ka magaaladaasi Munich ayaa codsaday in gegidaas oo midabo kala duwan laga daari karo ay kulankaas u bedelaan xulka Germany midabka ururka LGBT.