Manchester United Oo Sannad Ku Kordhisay Heshiiska Paul

Manchester United ayaa dhaqan gelisay 12 bilood oo kale oo ay ku kordhisay heshiiska ay kula jirtay laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, kaas oo sii joogi doona Old Trafford illaa June 2022.

Sida uu dhigayay heshiiskii ay Manchester United sannadkii 2016kii kula soo wareegtay Pogba, shanta sannadood ee heshiiskiisa ee hadda midkii ugu dambeeyey uu socdo ayaa waxay United awood u lahayd inay sannad kale oo lixaad ku kordhin karto haddii ay ku qanacdo, taas oo ay hadda si rasmi ah u go’aansatay inay dhaqan-geliso.

Paul Pogba oo mushaharkiisa toddobaadlaha ah ee Manchester United uu yahay £290,000 Gini ayaa ka warwareegayay inuu kordhiyo heshiiskiisa, waxaanay taasi keentay inay hanqalka lasoo kacaan kooxo ay ugu horreyso Real Madrid oo qorshaynaysay inay bisha January ee sannadka cusub wada-hadallo la bilowdo xiddigan si ay xagaaga si bilaash ah ugula wareegi karto.

27 jirkan reer France ayaa sannadka cusub ee Manchester United ay kusii kordhisay heshiiskiisa, waxa uu albaabada ka xidhayaa kooxaha doonayay ee ay ugu horreyso Los Blancos oo usbuucii hore uu sheegay inuu ku riyoonayo inuu u ciyaaro.

Xiddigan hal-abuurka badan ayay Manchester United ka go’an tahay inay kusii hayso Old Trafford illaa inta ay xirfaddiisa ciyaareed heerka sare tahay, waxaana qandaraaskan cusub uu meesha ka saarayaa walaacii waqtiga dhow ee ay ka baqayeen inuu bisha June ee sannadka dambe si xor ah uga tago, laakiin haddana waxa ay cabsi ka jirtaa mustaqbalkiisa waqtiga dheer, maadaama sannad kale kaddib uu haddana xor noqon doono.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dooday in Pogba uu yahay laacib Man United ah oo uu hubo inuu kaliya ka fikirayo sidii uu shaqada ugu wanaagsan ugu qaban lahaa Man United.

“Paul waa ciyaartoygayga, waxaanu sii joogayaa halkan laba sannadood oo kale, waxaanan hubaa inuu diiradda saari doono sidii uu waxa fiican noogu qaban lahaa.” Ayuu yidhi Solskjaer oo intaa ku daray: “Waxaanu doonaynaa inaanu aragno Paul kii ugu fiicnaa, waxaana hubaal ah in sannadaha soo socda in aanu ciyaarta ugu wanaagsan ka heli doono.”