Manchester United Oo Ka Caawisay Leicester Metropolis In Ay Champions League

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka caawisay Leicester Metropolis in ay kasoo muuqato tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii ay u hadiyeysay guul 2-1 ah oo garoonka Outdated Trafford ay ku heshay Leicester.

Liverpool ayaa rajaynaysay in Manchester United ay ka badiso Leicester Metropolis oo labada kulan ee kale ee u hadhayna la kala ciyaari doonta Tottenham iyo Chelsea, laakiin tababare Ole Gunnar Solskajer ayaa ciyaartoyda kaydka iyo kuwo da’yar ah oo uu uga yeedhay heerka  labaad usoo safay, taas oo keentay in Leicester ay Outdated Trafford ku helaan saddex dhibcood oo ka caawiyey in ay kaalinta saddexaad kusoo laabtaan, iyagoo sagaal dhibcood ka hormaray Liverpool.

Manchester United oo xafiiltan badan ka dhexeeyo Liverpool, ayaa waxay ciyaarteeda muhiimka ah usii dhigatay kulanka Khamiista ay isku haleelayaan, kaas oo ay doonayaan in ay guul-darro u xambaariyaan Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa si ay dhab  ahaan ugu soo afjaranto rajadooda Champions League.

Laakiin inta aan la gaadhin Khamiista, Manchester United ayaa mar horeba sii dishay Liverpool kaddib guusha ay gacanta u galiyeen Leicester Metropolis, taas oo haddii ay ciyaartoyda waaweyn kala hor-tegi lahaayeen ay natiijadu ka beddelnaan lahayd inta ay hadda ku dhamaatay.

Daqiiqaddii 10aad ayay Leicester Metropolis isku qortay saddexda dhibcood ee kulanka kaddib gool qurux badan oo uu u dhaliyey Luke Thomas, hase yeeshee xoogaa niyad-xumo ah ayaa ku timid daqiiqado kaddib markii ay Manchester United heshay gool barbarro ka dhigay ciyaarta oo uu saxeexay Mason Greenwood.

Difaaca reer Turkey ee Caglar Soyuncu ayaa daqiiqaddii 66aad waxa uu madax ku qabtay kubbad uu ku hubsaday shabaqa uu ilaalinayay David de Gea, waxaanay sidaas ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-1.

Rajada kaliya ee ay Liverpool leedahay ayaa waxay tahay in ay Khamiista garaacdo Manchester United, sidoo kalena saddexda ciyaarood ee kale ee u hadhayna ay wada guuleysato, iyadoo dhinaca kalena ku ducaysanaysa in Leicester Metropolis laga badiyo kulamada Tottenham iyo Chelsea ee u hadhsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More