Manchester United Oo £90 Milyan Dul-dhigtay Harry Kane Iyo Glazerz Oo

Qoyska iska leh kooxda kubadda cagta Manchester United ee The Glazers ayaa qaatay istaraatiijiyad iyo xeelad ay iskaga aamusiinayaan taageereyaasha ku mudaharaadaya ee ka dalbanaya in ay kooxda iibiyaan.

Jamaahiirta Manchester United ayaa Axaddii baajiyey ciyaartii ay garoonka Previous Trafford ku qaabbili lahaayeen Liverpool, waxaanay mar kale u ballansan yihiin in ay sidii oo kale iskugu soo baxaan marka dib bathroom muddeeyo ciyaartaas baaqatay.

Mudaharaadka ayaan kaliya ku koobnayn gudaha Ingiriiska, waxaase Axaddii ay taageereyaal kale iskugu soo baxeen magaalada Florida ee waddanka Maraykanka gaar ahaan bannaanka guriga uu deggan yahay guddoomiyaha kooxda.

Laakiin mulkiileyaasha kooxda ee ay taageereyaashu ku qasbayaan in ay iibiyaan naadiga, farahana kala baxaan, ayaa waxay dejinayaan qorsheyaal ay iskaga aamusiiyaan taageereyaasha, isla markaana kooxda ku keenaan ciyaartoyda ay suurtogalka tahay in haddii ay arkaan ay joojiyaan qaska  ay wadaan.

Sida uu qoray wargeyska The Solar, Manchester United ayaa waxa marka uu suuqu furmo u dhaqaaqi doonta weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Daniel Levy ayaa ka adkaysanaya in aanu iibinayn Kane, laakiin waxa la fahamsan yahay, in laacibkani uu doonayo in uu iskaga tago kooxda maadaama ay u muuqato in aanay wax koobab ah ku guuleysan doonin.

27 jirkan ayay Pink Devils dul-dhigaysaa lacag gaadhaysa £90 milyan oo Gini, taas oo aad uga hoosaysa lacagta la rumaysan yahay in Spurs ay ku iibin karayso laacibkan.

Harry Kane oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 31 gool, 16 kalena caawiye ka noqday ayaa waxa dhowaan shaaciyey in hankiisu yahay in uu koobab iyo abaal-marino shaqsi ah ku guuleysto, taas oo mugdi gelinaysa mustaqbalkiisa Spurs.

Si kastaba, qoyska Glazers ayaa rajaynaya in haddii ay lasoo saxeexdaan Harry Kane uu isbeddel ku iman doono taageereyaasha mudaharaadyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More