Manchester United Iyo Liverpool Oo Dejiyey Qorshe Kooxaha

Manchester United iyo Liverpool ayaa hoggaaminaya ololaha qorshe weyn oo isbeddel loogu samaynayo kubadda cagta Inigiriiska, kaas  oo saamayn ku yeelanaya horyaalka Premier League.

Shirkadda iska leh Liverpool ee Fenway Sports Group (FSG) ayaa diyaarinsay dukumenti qurux badan oo loogu magac daray ‘dibu-cusboonaysiin’ oo loogu ololaynayo in isbeddelkii ugu weynaa lagu sameeyo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, tan iyo sannadkii 1992kii oo ahayd waqtigii uu magacan qaatay.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, hindisahan ayaa waxa dhigayaa in 18 kooxood lagu soo koobo naadiyada horyaalka Premier League ka ciyaara, isla markaana meesha laga saaro tartanka League Cup ama Carabao Cup, si maalgelin dheeraad ah loogu helo kubadda cagta.

Manchester United ayaa markiiba taageero u muujisay hindisahan ay Liverpool soo diyaarisay oo laga shaqaynayay tan iyo sannadkii 12017kii, waxaanay ku tilmaantay ‘Mashruuca Sawirka weyn’ oo ay rumaysan tahay inuu sare u qaadayo kubadda cagta guud ahaan iyo si gaar ah horyaalka Premier League.

Dhamaan lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League ee ay hormoodka u yihiin Liverpool iyo Manchester United ayaa iyaguna garab istaagay hirgelinta isbeddelkan lagu samaynayo kubadda cagta dalkaas, waxaana dhawaaqyo FSG markiiba la garab istaagay Chelsea, Arsenal, Manchester City iyo Tottenham oo guddiyadooda maamulku ay soo dhoweeyeen.

Laakiin kooxaha ka dhisan Woqooyi-Galbeed ee England ayaa kasoo horjeeda mashruucan oo ka dagaallami doona in aan la hirgelin maadaama uu saamayn ku yeelanayo.

Hindisahan waxa ku jira in kooxaha dhibaataysan ee heerka labaad ee EFL la gu caawiyo lacag dhan £250 milyan oo Gini, ayna kooxaha Premier League bixiyaan 25% lacagtaas, laakiin si duuduub ah loo wada ansixiyo qorshahan.

Si kastaba, waxaynu eegi doonaa waxa ka hirgala qorshahan isbeddelka loogu samaynayo kubadda cagta Ingiriiska ee ay hormoodka ka yihiin Liverpool iyo Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More