Manchester City oo qandaraaska u kordhisay Riyad Mahrez – FM

(Manchester) 15 Luulyo 2022. Manchester City ayaa maanta oo jimco ah ku dhawaaqday inay kordhisay qandaraaska xidigeeda reer Algeria ee Riyad Mahrez, isaga oo saxiixay heshiis ilaa June 2025.

Man City ayaa ku sheegtay website-keeda rasmiga ah in Riyad Mahrez uu saxiixay qandaraas cusub oo ku sii joogayo kooxda Sky Blues muddo labo sano ah, ilaa June. June 2025.

31 jirka reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ku biiray Manchester City xagaagii 2018 markaas oo uu kaga soo biiray Leicester City.

Riyad Mahrez ayaa tan iyo markii uu ku biiray Manchester City wuxuu u ciyaaray 189 kulan tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 63 , wuxuuna caawiyay 45 kale.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League 3 jeer, Carabao Cup 3 jeer, iyo koobka FA Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More