Man Utd vs Man City

Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya Old Trafford finalka Carabao Cup.

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Manchester United ayaa laga reebay koobka horyaalada yurub kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray Korona Fairas.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaliya laba isbadal ku sameeyay shaxdiisa Man United oo uu ugu horeeyo goolhaye Dean Henderson iyo Lindelof oo dhaawac ka soo laabtay halka Eric Bailly keydka la dhigay ka dib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Wan-Bissaka ayaa ku jira garabka midig, waxaana ku soo xiga Harry Maguire, halka Luke Shaw uu bidix ka ciyaarayo.

Fred wuxuu kusoo bilaabay qadka dhexe, McTominay, Pogba iyo Fernandes, halka weeraryahan Marcus Rashford uu goob joog ahaa iyo Martial.

Manchester United ayaa heysata bedel fiican keydka, iyadoo ay wehliyaan De Gea, Telles, Bailly, James, Mata, Matic, Van de Beek iyo Greenwood.

Pep Guardiola ayaa sidoo kale sameeyay isbadalo badan kadib markii uu soo laabtay qaar kamid ah ciyaartoydii uu saameeyay viruska Corona.

Cancelo, Stones iyo Diaz waxay kubilaabeen difaaca Zinchenko iyo khadka dhexe ee Fernandinho, Clive De Bruyne, halkaasoo weerarada ay yihiin Mahrez, Foden iyo Sterling.

Gabriel Jesus iyo Kyle Walker oo ka soo kabsaday viruska Corona ayaa kursiga keydka fadhiya iyadoo Aguero, Rodrigo iyo Mendy ay sidoo kale diyaar yihiin.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

Safka Man United: Steffen, Cancelo, Stones, Dias, Zinchenko, Fernandinho, Gundogan, De Bruyne, Mahrez, Foden, Sterling

Kaydka: Trafford, Walker, Jesus, Aguero, Rodrigo, Mendy, Nmecha, Harwood-Bellis, Mbete.

Safka Man City: Henderson, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Fred, McTominay, Pogba, Fernandes, Rashford, Martial.

Kaydka: De Gea, Alex Telles, Bailly, Tuanzebe, James, Mata, Matic, Van de Beek, Greenwood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More