Man United Oo Xaqiijisay Shan Xiddig Oo Waa Weyn Oo Ka

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay ka maqnaan doonaan shan ciyaaryahan kulanka Champions League ee ay habeen danbe la ciyaarayaan Paris Saint-Germain.

- Advertisement -

Tababaraha ayaa shaaca ka qaaday shir jaraa’id uu goor dhaweyd ku qabtan Paris in Edinson Cavani iyo Mason Greenwood iyo sidoo kale kabtanka United Harry Maguire inay seegi doonaan kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka Champions League.

Eric Bailly iyo Jesse Lingard ayaa iyagana laga soo tagay iyagoo ku sugan Manchester.

“Haa dhowr ciyaaryahan ayaa inaga maqan” ayuu Solskjaer u sheegay suxufiyiinta.

“Bailly ma uusan safrin, Lingard isna ma uusan safrin. Sidaasi darteed ciyaartoy yari ayaa ina heysa laakiin kuwa inagu filan waan heysanaa.”

Tababaraha Man United ayaa la weydiiyay muddada ay ciyaartoydaan garoomada ka maqnaan doonaan.

“Waxaan rajeyneynaa inaysan noqonin muddo dheer” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Edinson Cavani wuxuu u baahan yahay maalmo kale ka hor inta uusan diyaar noqonin. Waxaan rajeynayaa inay diyaar noqon doonaan Harry, Eric iyo Mason laakiin ma hubo taas.”

Greenwood ayaa seegay kulankii Sabtida ee ay Man United ka badisay Newcasle mana ciyaari doono kulanka Parc des Princes ee habeen danbe halkaasoo ay aheyd meeshii uu ku ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee United sannadkii hore.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajeynaya inuu soo laaban doono kulanka ay Man United la ciyaareyso Chelsea Sabtida ee ka dhacaya garoonka Old Trafford.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidoo kale xaqiijiyay in madaama Harry Maguire uu seegayo kulanka habeen danbe in Bruno Fernandes uu noqon doono kabtanka kooxda, waana markii ugu horeysay ee kabtan u noqdo kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More