Man United oo soo bandhigtay maaliyaddeeda martida (Away) ee ay

(Manchester) 16 Luulyo 2022. Manchester United ayaa maanta oo Sabti ah ayaa soo bandhigtay maaliyaddeeda  martida (Away) ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23.

Red Devils waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay martida tahay oo ay ku dheeleyso meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23.

Maaliyaddan cusub oo uu midabkeedu yahay gabi ahaanba cadaan, ayaa kuleetiga madow ka ah, garbahana ay ku xardhan yihiin diilmo madow iyo casaan ah.

Xiddiga reer Tunisia ee Hannibal Mejbri ayaa ka soo muuqday muuqaalka hordhaca ah ee maaliyadda cusub, iyadoo ay weheliyaan Bruno Fernandes iyo Diogo Dalot.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa laga waayay soo bandhigida maaliyaddeeda  martida (Away) ee Red Devils, haddii ay ahaan lahayd muuqaalka rasmiga ah ee “Twitter” ama wararka rasmiga ah ee bogga Manchester United.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu si rasmi ah u weydiistay inuu ka tago Manchester United xagaagan, laakiin weli ma uusan la heshiin koox cusub.

Yeelkeeda qandaraaska Ronaldo ee Manchester United ayaa dhacaya ilaa xagaaga 2023, iyadoo ay suurtogal tahay inuu xilli ciyaareed kale u kordhiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More