“Man City Kumay Guuleysateen Horyaalka Haddii….” – Jurgen Klopp Oo

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda ay horyaalka Premier League ku xifaaltamaan ee Manchester City aysan horyaalka hanateen haddii ay qabto dhaawacyo lamid ah kuwa kooxdiisa dishooday xilli ciyaareedkan.

City ayaa ku guuleysatay horyaalka markeedii saddexaad afar sano gudaheed iyadoo ay dhaawacyo badani haleeleen Liverpool isla markaana ay Man United awood u yeelan weyday inay si dhab ah ula tartanto.

Liverpool ayaa ahayd kooxda ugu saraysay horyaalka wakhtigii ciida gaalada “Christmas” balse ugu dambayn tiro dhaawacyo ah ayaa saameeyay hammiga kooxda tababare Klopp.

Klopp ayuu hoggaamiyaha daafaciisa ee Virgil Van Dijk ka maqnaa inta badan xilli ciyaareedka, sidoo kale Joe Gomez iyo Joel Matip taas oo ka dhigan inuu badi xilli ciyaareedkan waayay saddexda daafac dhexe ee udub dhaxaadka u ah kooxdiisa.

Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu si joogto ah u bedbedelo lamaanaha daafaca ee kooxdiisa iyadoo Fabinho iyo Jordan Henderson oo asal ahaan khad dhexe ah uu adeegsaday halka Ryhs Williams iyo Nat Phillips uu fursad siiyay.

Jurgen ayaa yidhi “Markaad eegto dhaawacyadayada may ahayn sanadkii aanu noqon lahayn kooxda horyaalka ku guuleysata, fursad umaanu haysan, koox kasta sidaas ayay ku noqon lahayd”

“Si kasta oo ay u fiican yihiin, haddii ay City saddexdeeda daafac dhexe ka maqnaan lahaayeen, Maya (Kumay guuleysteen horyaalka), haddii ay saddex daafac dhexe ka maqnaan lahaayeen Man United Maya”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More