Magacyada Xiddigaha Waaweyn Ee Manchester City Ku Dartay Liiska Iibka

Manchester City ayaa ku dartay liiska ciyaartoyda ay iibinayso weeraryahanka reer England ee Raheem Sterling oo wacdaro ka dhigay tartanka qaramada Yurub, waxaana liiska ku wehelinaya xiddigo kale oo waaweyn.

Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu kooxdiisa isbeddel ku sameeyo, iyadoo ay u calaamadsan yihiin kubbad-sameeyaha Aston Villa ee Jack Grealish iyo weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane, kuwaas oo iyaguna qayb ka ahaa xulka England ee ka qayb-galay Koobkii Adduunka.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Sterling oo saddex gool ka dhaliyey Euro 2020, kuna qasbay Simon Kjaer inuu gool iska dhaliyo semi-finalkii tartanka, ayaan ku jirin qorshaha tababare Guardiola ee xilli ciyaareedkan.

Wargeysku waxa uu sheegay in Guardiola iyo masuuliyiinta Manchester City ay isla qaateen inay iibiyaan dhawr ciyaartoy oo waaweyn si ay u helaan lacag gaadhhaysa £200 milyan oo Gini oo ay ku dalban doonaan Harry Kane iyo Jack Grealish, kuwaas oo waliba lacagtoodu kaga sii badan karto intan.

Sterling oo ay da’diisu tahay 26 jir, xilli ciyaareedkii horena u saxeexay 10 kulan oo Premier  League ah, ayaa waxa noqday ciyaartoyga ugu horreeya ee ay City u qorshaysay inay iibiso, laakiin waxa kale oo qorshaha ku jira in loo diro Tottenham ama Aston Villa si uu qayb uga noqdo heshiisyada Jack Grealish iyo Harry Kane.

Waxa kale oo liiska ku jira xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez balse afar sannadood ka weyn Raheem Sterling, kaas oo qayb weyn ka qaatay guushii kooxda ee xilli ciyaareedkii hore.

Difaaca reer France laakiin dhowaan u digo-rogtay Spain ee Aymeric Laporte ayaa isagana lagu daray liiska ciyaartoyda la iibinayo xagaagan, kaas oo sidoo kale uu ka dhex muuqdo weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo lala xidhiidhinayo Juventus.

Laacibka reer  Portugal ee Bernardo Silva ayaa isaguna ka dhex-muuqda liiskan.

Manchester City ayaa hore ay uga tageen Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo qandaraasyadoodu dhamaadeen, halka Jack Harrison ay si rasmi ah ula wareegtay Leeds United oo hore amaah ugu haysatay, kana bixisay £11 milyan oo Gini.

Liiska ciyaartoyda ay City iibinayso intan oo kaliya kuma eka, waxaana jira dersin ciyaartoyda kooxda da’yarta ah oo iib loo dhigayo kaddib waqtiyo amaah ah oo ay ku maqnaayeen.

Lukas Nmecha,Pedro Porro, Yargel Herrera iyo Ivan Ilic ayaa dhamaantood ay kooxdu go’aamisay in la iibiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More