Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Isku soo wada duuboo Wararkii ugu dambeeyay ee Barcelona iyo warar xan ah

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Barcelona ayaa suuqa soo dhigaysa shan ka mid ah xiddigaheeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, si ay uga badbaado in gebi ahaanba ay musalafto oo ay dhibaato weyn dhexda ka gasho.

Kooxda reer Spain ayaa laga sugayay in Khamiistii shalay ay shaaciso in £171 milyan oo Gini ay si degdeg ah uga dhintay kharashkeeda iyadoo hoos u dhigaysa mushaharka ciyaartoyda, laakiin arrintan oo ay ku guul-darraysatay inay ciyaartoyda kala heshiiso ayaa waxay dib ugu riixday go’aanka kama dambaysta ah toddobaadka dambe.

- Advertisement -

Sida ay ku warrantay warbaahinta waddanka Spain, bisha January ayay kooxdu qaadi doontaa tallaabo weyn oo ay meesha kaga saarayso qaar ka mid ah ciyaartoygeeda si ay ugu suurtogasho inay kharash dhimistan sameeyaan.

Wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa shaaciyey magacyada shan ciyaartoy oo ay kooxdu iibin doonto January, kuwaas oo iskugu jira kuwo qayb muhiim ah kasoo ahaa safka tababare Ronald Koeman iyo kuwo kale oo aan wali hal kulanna u safanin.

Xiddiga ugu magaca weyn ee ku jira liiskan ayaa ah weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele oo tababare Koeman uu ciyaarsiiyey 258 daqiiqadood xili ciyaareedkan bilowga ah iyadoo uu dhaliyey goolkii quruxda badnaa ee furitaanka u noqday guushii Juventus.

Samuel Umtiti oo dhaawac ku maqan, horena ugu jiray ciyaartoydii loo sheegay inay iskaga tagaan kooxda ayaa kusoo baxay liiskan, laakiin waxa layaab ah in labada da’yar ee Carles Alena iyo Junior Firpo ay liiskan kusoo baxeen.

Saxeexii sida lama filaanka ahaa ay Barcelona u samaysay bishii February ee Martin Braithwaite ayaa isaguna kusoo baxay liiskan.

Laba saxeex oo la filayay in kooxdu ay samayso bisha January oo kala ahaa Eric Garcia oo difaaca uga ciyaara Manchester City iyo Memphis Depay oo Lyon afka hore uga ciyaara, isla markaana labadoodaba qandaraasyadoodu ku eg yihiin dhamaadka xili ciyaareedka ayaa iyagana la sheegay in aanay kooxdu lasoo saxeexan doonin.

How do you rate this story?

0 votes