Magacyada Laba Ciyaartoy Oo Ay Chelsea Iibinayso Xagaagan Oo La

Tababare Thomas Tuchel ayaa laba ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ka saari doona liiska ciyaartoydiisa, kuwaas oo la iibin doono inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Difaacii kooxda Liverpool ee Glen Johnson ayaa sheegay, in uu rumaysan yahay in tababare Tuchel uu iibin doono labada ciyaartoy ee Callum Hudson-Odoi iyo Tammy Abraham haddii ay ku helaan qiime macquul ah xagaagan.

Hudson-Odoi oo 20 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu u saftay 37 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey shan gool iyo shan caawin oo uu ku daray, waxaase laacibkan garabka weerarka ka ciyaara uu kaydka u dhacay markii uu Frank Lampard shaqada ka tegay ee la magacaabay Thomas Tuchel.

Laacibkan ayaa xagaagii hore si weyn loola xidhiidhiyey Bayern Munich oo ay warbaahinta Ingiriisku waqtigaas sheegeen in Chelsea ay iska diidday £70 milyan oo Gini oo ay kooxda reer Germany kusoo dalbatay.

Tammay Abraham ayaa isaguna 12 gool dhaliyey lix kalena caawiye ka noqday 32 kulan oo uu saftay, balse intii uu Tuchel joogay ayaa uu isaguna ka baxay xulashada kooxda.

23 jirkan oo si joogto ah u ciyaari jiray intii uu Lampard joogay ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulamadii ugu dambeeyey ee tartanka Champions League iyo FA Cup.

Abraham ayuu qandaraaskiisa Chelsea soconayaa illaa laga gaadhayo 2023, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxaha horyaalka Premier League ee West Ham United, Aston Villa iyo Arsenal.

Si kastaba, Glen Johnson oo Chelsea u ciyaaray intii u dhaxaysay 2003–2007 balse waqtigiisii ugu fiicnaa ku qaatay Liverpool oo uu ka mid ahaa 2009–2015 ayaa waxa uu sheegay, in labadan ciyaartoy ee Abraham iyo Hudson-Odoi aanay waxba u oollin Stamford Bridge.

“Xaqiiqo weeyaan in ay Chelsea iibin doonto Cullum Hudson-Odoi iyo Tammy Abraham xagaagan, haddii ay ku helaan qiime macquul ah.” Ayuu yidhi Johnson.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More