Madaxweynaha La Liga oo shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan

(Madrid) 28 luulyo 2022. Madaxweynaha Horyaalka Spain ee Javier Tebas, ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ku biiro Atletico Madrid, si uu uga faa’iideysto xiddignimada ciyaaryahanka isla markaana kor loogu qaado qiimaha tartanka.

Ronaldo ayaa ka codsaday maamulka Manchester United inay u ogolaadaan inuu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Laakiin waxa uu wajahayaa dhibaato weyn, maadaama aysan jirin wax xiiso ah oo ay kula soo wareegayaan kooxaha waaweyn.

Waxaana wararka qaar ay dhawaan baahiyeen suurtogalnimada ay Atletico Madrid kula soo wareegi karto xiddiga reer Portugal, ilo wareedyo kale ayaa sheegay in ciyaartoygu uu soo dhawaynayo doorashadan sababtoo ah waxa uu awood u yeelan doonaa ka qaybgalka tartanka Champions League.

Inkastoo Javier Tebas uusan qarin rabitaankiisa ku aadan inuu Atletico Madrid la soo wareego Cristiano, hadana wuxuu carabka ku adkeeyay in bathroom baahan yahay in hal ama dhowr ciyaaryahan bathroom huro si heshiiskan uu u noqdo mid u suurta gala dhanka dhaqaalaha iyo isboortiga, maadaama mushaarka Cristiano Ronaldo uu yahay mid aad u sareeya isla markaana Atletico ayan awoodi Karin marka bathroom fiiriyo xaallada hadda taagan.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska AS ee dalka Spain, Madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu shaaca kaga qaaday:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan markale ku arko Ronaldo La Liga.”

“Laakiin waa inay ka takhalusaan ciyaartoyda qaar haddii ay doonayaan inay keenaan ciyaaryahankaas.”

“Ma garanayo, laakiin si ay u helaan ciyaaryahan heerkan ah waa inay boos u baneeyaan iyaga oo iibinaya ciyaartoyda qaar.” Ayuu yiri Javier Tebas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More