#Madaxii hore xiriirka kubadda cagta ee UEFA Platini ayaa su’aal laga waydiinaya Qatar World Cup

236,724

Madaxweynahii hore xiriirka kubadda cagta qaaradda yurub Michel Platini ayaa la xiray iyadoo lagu heysto habkii uu wadanka Qatar ugu abaalmariyay martigalinta koobka Adduunka 2022, artintaan ayaana kusoo aadeysa xilli wadanka qaaradda Aasiya ku yalla uu si xoogan isugu diyaariyay martigalinta tartanka.

Halyeeyga xulka France (Michel Platini) kaas oo xilka madaxtinimada UEFA loo doortay 2007 isla markaana isaga dagay 2015 ayaa horay ganaax uga helay guddiga anshaxa ee FIFA.

Majaladda laga leeyahay faransiiska ee Mediapart ayaa qirtayin Platini la xiray saakay xilligii hore iyadoo arrintaan ay qeyb ka tahay baaritaanka lagu hayo qaabkii uu Qatar ugu wareejiyay martigalinta koobka Adduunka sanadka 2022.

Sida warbixinta lagu sheegay Platini waxaa loo kaxeeyay xafiiska la dagaalanka musuq-maasuqa ee Booliiska cadaaladda kaas oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (OCLCIFF).

Qatar ayaa lagu abaalmariyay martigalinta tartanka koobka Adduunka 2022 bishii Diseembar 2010, balse waxaa jira muran badan oo la galiyay suuragalnimada ay ku heleen.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More