Madaxa Akadeemiga Arsenal Mertesacker Oo Kashifay Sababta Uu

Madaxa akadeemiga Arsenal Per Mertesacker ayaa xaqiijiyay in sababta Mesut Ozil looga saaray kooxda inaysan aheyn qaab ciyaareedkiisa ama tababarkiisa isagoo soo jeediyay inay tahay mid la xiriirta noloshiisa gaarka ah.

- Advertisement -

Kubadsameeyaha Jarmalka oo 32 sanno jir ah ayaa gabi ahaanba waxaa kooxda ka saaray tababare Mikel Arteta bilooyinkii ugu danbeeyay.

Ozil ma uusan u ciyaarin Gunners tan iyo kulankii ay 1-0 kaga badiyeen West Ham 7dii bishii March.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa sidoo kale laga reebay liiska xiddigaha Gunners ee u matalaya tartanka Europa League.

Ozil ayaa sidoo kale la filayaa in laga reebo liiska 25ka xiddig ee Arsenal u gudbineyso Premier League, taasoo la micno ah inuusan kubad dheeli doonin ugu yaraan ilaa iyo bisha Janaayo.

Haatan, madaxa akadeemiga Arsenal Mertesacker ayaa sheegay in sababta Ozil looga saaray kooxda Arsenal inay la xiriirto noloshiisa gaarka ah oo saameyn ku yeelaneysa waayihiisa ciyaareed.

Kabtankii hore ee Gunners Mertesacker ayaa u sheegay barnaamijka Klick and Rush: “Wax badan ayaa iska bedelay oo ka baxsan garoonka.

“Wuxuu guursaday, qoys ayuu yeeshay … malaha diiradiisa waa ay isbedeshay.

“Si kastaba, wuxuu weli ku faraxsan yahay inuu dheelo kubada cagta.

“Waa ciyaaryahanka kaliya ee aan seddex kooxood ku soo wada ciyaarnay, Bremen, Arsenal iyo sidoo kale xulka Jarmalka.

“Sidaasi darteed aad ayaan uga xumahay xaalada uu haatan ku jiro ee aan la isticmaaleynin.”

Ozil waxaa dhanka musaafuriska kula jira Sokratis Papastathopoulos oo isna laga reebay liiska xiddigaha Arsenal ku matalaya Europa League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More