Macquul Ma Tahay In Mikel Arteta Premier League Ku

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisa ah haddiiba uu ninka haatan booskiisii fadhiya ahna ciyaaryahankiisii Mikel Arteta ku hoggaamin karo kooxdaas tartanka ay ka raagtay ee horyaalka Premier League.

Arteta ayaa qaaday masuuliyada dib u dhiska Arsenal kaddib markii uu Arsene Wenger tagay isla markaasna uu wakhti fashil ah Emirates Stadium ku qaatay Unai Emery oo wakhtigaas bedelay.

Wenger oo hadda ah madaxa horumarinta kubadda cagta ee FIFA ayaa Arsenal ka tagay sanadkii 2018 kaddib markii uu 22 sano hoggaaminayay ee uu saddex horyaal Premier League kula soo guuleystay.

Haatan Arsene oo aragtidiisa dhiibtay ayaa aaminsan in Mikel Arteta uu kooxda ku hoggaamin karo horyaalka xilli uu sidoo kale waayo tababarenimo oo guuleysta ku taageeray ciyaaryahankiisii Theirry Henry.

Wenger oo u warramayay The Guardian ayaa sheegay in uu rajaynayo in Henry oo ah xiddiga ugu fiican taariikhda Arsenal uu ka tababare ahaan ugu soo laaban doono kooxda balse inta ka horreysa uu doonayo in Arteta uu horyaalka la qaado.

Wenger ayaa yidhi “Waxaan rajaynayaa in Theirry Henry uu mid guuleysta noqon doono waayihiisa ka tababare ahaan, haddii uu ka tababare ahaan mid guuleysta noqdana waxa laga yaabaa inuu maalin kusoo laabto Arsenal”

“Laakiin waxaan si khaas ah u jeclaan lahaa inaanu horyaalka ku guuleysano kahor inta aysan taasi dhicin (Henry kusoo laaban Arsenal)”

“Tusaale ahaan haatan waxaanu haysanaa Mikel Arteta oo xilka haya, maxay tahay sababta aynaan ugu guuleysanaynin? kooxdu waa shaqsiyadeeda, shaqsiyadu waa qiimaha qiimuhuna waa dadka qaada qiimahaas