Ma saxiixdaa intaad suuqa ku jirto

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay haddii uu kooxdiisa kusoo kordhin doono saxiixyo cusub inta lagu guda jiro maalmaha ka harsan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

- Advertisement 1 -

Liverpool ayaa dib u dhac kale ku timid difaacashadii horyaalka xalayto ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Burnley ciyaar ka dhacday Anfield.

Burnley ayaa soo afjartay rikoodhkii guuldaro la’aanta Liverpool ee Anfield 68 kulan oo xidhiidh ah iyada oo guuldaradii ugu dambaysay soo gaadhay April 2017.

Mid ka mid ah dib u dhaca ku yimid Liverpool ayaa ah dhaawacyada dhabarka, iyadoo maqnaanshiyaha mudada dheer Joe Gomez iyo Virgil Van Dijk ay labaduba maqan yihiin.

Liverpool ayaa qiyaaseysay inay lasoo saxiixaneyso ugu yaraan hal daafac bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin xaalada ayaa ah mid aan wali cadeyn

Klopp oo markale laga codsaday in uu saxiixo saxiix kadib guuldaradii shalay ayaa sheegay in uuna qaadan go, aankaas isaga oo ku adkaystay in ay kooxdiisu haatan sifiican u ciyaari karto.

Jurgen ayaa yiri: “Kuwani maahan go’aanadeyda. Haddii qof uu u maleeyo inay tahay inaan wax qabanno, ma go’aansan karo haddii aan wax ka qabanayo suuqa kala iibsiga.”

“Laakiin taasi maahan waxa aan u maleynayo. (Waxaan u maleynayaa) waa kaliya safkaan. Waxaan u ciyaari karnaa si ka fiican taas.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More