Ma Rumaysan Kartid: Mason Greenwood Oo Ciyaartoy Aanad Rumaysan Karin

Xiddiga da’da yar ee Manchester United ee Mason Greenwood ayaa ciyaartoy aanad rumaysan karin u magacaabay laacibkii ugu adkaa ee difaac ah ee uu ka hortegay intii uu ku jiray xirfadda kubadda cagta.

Greenwood oo 19 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore waxay horyaalka Premier League ku kulmeen difaac ka yaabiyey oo u ciyaara koox hadda dib ugu laabatay heerka labaad ee Championship, kaas oo u diiday wax fursad ah.

Weeraryahanka Manchester United ayaa la weydiiyey in uu sheego ciyaartoygii ugu adkaa ee difaac ah ee uu waajaho, waxaanu markiiba lasoo booday Joe Bryan oo u ciyaara Fulham, dibna ugula laabtay heerka labaad.

Bryan oo 27 jir ah ayaa laba gool u dhaliyey FUlham kulamadii ay ugu soo dallacayeen horyaalka Premier League sannadkii 2019kii, laakiin wuxuu awoodi waayey in sannad kaddib uu ka celiyo Cottagers oo ku dhaadhaaysa halkii ay ka timid.

Difaacan bidix ayaa ciyaaray labadii kulan ee Old Trafford iyo Craven Cottage ee midna uu ku dhamaaday barbarraha 1-1, midka kalena ay Manchester United ku badisay 2-1, waxay se intaba halgan wada galeen Greenwood.

Isaga oo la hadlayay telefishanka Manchester United ee MUTV, waxa Greenwood la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu ka hortegay, waxaanu ku jawaabay: “Waa su’aal wanaagsan. Waxa laga yaabaa in uu idinku noqon doono mid idinka yaabia, laakiin miyaad taqaanaan Joe Bryan-ka Fulham?

“Wuxuu ii ogolaan waayey meel aan u dhaqaaqo, wuxuu waqti ii siin waayey kubadda markii aanu kula ciyaarnay gurigayaga iyo koodaba. Waxay ka mid ahaayeen kulamadii ugu adkaa ee aan ciyaaray.

“Wuxuu ku wanaagsan yahay difaacista, sidoo kalena waa ciyaartoyga ugu loollanka adag.”

Mason Greenwood ayaa Manchester United u saftay 51 kulan oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedkii hore, waxaanu u dhaliyey 11 gool, balse waxa uu dhaawac ku seegay tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2020 ee dalkiisu finalka soo gaadhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More