“Ma Dareemayo Kalsoonida Kooxda” – Ronald Koeman Oo Ka Warramay

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka warramay xaqiiqada kooxdiisa, iyadoo uu qirtay in aanu dareemaynin kalsoonida kooxda.

Koeman ayaa la filayaa in shaqada laga caydhin doono kaddib kulanka Eibar ee Sabtida berri, iyadoo uu madaxweyne Joan Laporta hore u shaaciyey in isbeddel badan uu ku samaynayo kooxda, go’aamada ugu horreeyaana ay soo bixi doonaan toddobaadka soo socda.

Isagoo warbaahinta la hadlayay Jimcihii maanta, Koeman ayaa yidhi: “Qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka, maan dareemaynin kalsoonida kooxda. Wali kamaanu wada-hadal mustaqbalkayga laakiin waxa aan fahamsanahay in uu jiro shaki sababtuna waa natiijooyinka. Waxa aan fahamsanahay in lavatory baahan yahay, in isbeddel dhaco si wax loogu guuleysto.

“Haddii ay u malaynayaan in ay jirto baahi ah in la beddelo tababaraha ama ciyaartoyda qaarkood, waa wax fiican, laakiin waa in wada-hadal laga yeesho.”

Ronald Koeman waxa uu sheegay in kooxdiisu ay u dagaallantay horyaalka inkasta oo ay bilowgii hore liiteen, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in aanu xilli ciyaareedka aqbalnay bishii August, waxaananu ku dagaallanay horyaalka illaa laga soo gaadhay laabadii ama saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey. Dhibaatadu waxay ahayd sida aanu u ciyaarnay iyo in aanu ku guuleysanay Copa del Rey oo rajo badan na siisay.”

Isagoo qiimaynaya xilli ciyaareedkiisa ugu horreeyey wuxuu yidhi: “Waxa jiray kulamo aanaan fiicnayn laakiin si guud, dhibaatooyinka aanu la kulnay sidaa umay xumayn, sidoo kalena ma aanaan ahayn kuwo aad u wanaagsan”

Ciyaaryahanadda kooxda qaarkood ayaa fasax iska galay iyadoo aanu wali xilli ciyaareedku dhamaanin, waxaana Ronald Koeman oo ka hadlay uu yidhi: “Waxa jira saddex ama afar ciyaartoy oo dedaal layaab lahaa sameeyey. Ma doonayo in aan idhaahdo kuwa kale might samaynin dedaal, laakiin saddexda ugu badan waxay ahaayeen Lionel Messi, Pedri iyo Frenkie de Jong.”

Lionel Messi ayaan ciyaari doonin kulanka Eibar ee Sabtida, sababtoo ah waxa uu galay fasax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More