#Luka Modrić Oo Gaaray 300 Oo Kulaan uu Ciyaarey Real Madrid, 100 kulan oo kale Rajeynaya

193,737

Luka Modrić ayaa ku guuleystay afar horyaal, horyaal koobka kooxaha addunka, saddex European Super Cups, hal tartan oo Spain ah, hal koob iyo labo Spanish Super Cups oo uu la qaaday Real Madrid.

Kabtanka Croatia Luka Modrić ayaa ciyaaray kulankiisii ​​300aad ee Real Madrid Axadii, kulanka ka dib ayuu sheegay inuu rajeynayo inuu sii ciyaaro 100 kale.

Kulankii xalay ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Athletic Bilbao ee Horyaalka Spain waxa uu ahaa kulan muhimad gaar ah u lahaa laacibka ugu fiican adduunka ee u dheela naadiga Real Madrid ee Luka Modric.

Ciyaartaasi ayaa ahayd tii 300 ee xiddiga xulka qaranka Croatia uu u saftay Real Madrid, waxaana Madaxweynaha naadiga Real Madrid ee FLorentino Pèrez uu Modric guddoonsiiyay funaanad ay dhabarka dambe kaga qornayd 300 & Magaca Modric.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd dareenkiisa maadaama uu 300 ciyaarood uu u dheelay Real Madrid waxa uu Modric ku jawaabay: «Waxaan rajaynayaa in ugu yaraan 100 ciyaar oo kalena aan u sii ciyaaro Real Madrid, waayo kulan kasta oo aad Real u ciyaarto waxa uu leeyahay farxad gaar ah, funaanadaanna waxaan ku keydsan doonaa meel gooni ah».

Modric waxaa kale uu sheegay in Real Madrid uu ka helo waxyaabo badan oo aan laga helin naadiyada kale, isla markaana qofkii kooxdan ku soo biira uu ka dhismayo xagga shaqsi ahaaneed iyo xagga ciyaartooy ahaaneed labadaba.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More